Gabar xilligii gelbinta arooskeeda dalaaqada furiinkeeda la maqalsiiyey…

Written by ismacil cumar on .

Gabar da'yar oo lagu magacaabo Sahro Ismaaciil oo ka mid ah dumarka Somaaliyeed ee ku nool maagalda Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la kulantay arrin naxdin leh, kadib markii habeenkii ugu horeeyay ee aqalgalkeeda la maqalsiiyey dalaaqada fureenkeeda, waxaana la sheegay in naxdin ay ka qaatay arrinkaasi ay la suuxday.

Sida uu wargeyskan uu u sheegay wariye lagu magacaabo Salmaan C/raxmaan Sheekh Sahro oo uu guursanayey wiil lagu magacaabo Faysal ayaa waxay dhigteen xaflad meher iyo aroos isugu jirtay, iyadoo galabkii markii la galbin lahaa aroosadda la maqashiiyey dalaaqadeeda fureenkeeda ka dib markii wiilkii guursanayey ee Faysal ahaa uu taleefoon u soo diray uuna u sheegay inay ka furantahay, isaguna uusan dooneynin inuu lumiyo mustaqbalkiisa ayuu ku dooday markii uu furayey gabadha.

Sahra Ismaaciil oo ka warbixisay dhacdada xanuunka leh ee ay la kulantay ayaa waxay tiri "Waxa ay aheyd xilli galab ah dareeynkayga waxa uu ahaa maalintaasi mid aad u fiicnaa waan farxsana ka hor inta aan maqlin dalaaqadeyda, dadka oo idil waxay sugayeen inay ii galbiyaan gurigii la'ii diyaariyey balse taas mey dhicin' hadaba goor ay saacaddu tahay 5:00-galabnimo ayaa waxaa soo dhacay teleefan waxaa ka qabatay saaxibtay ka dib ayey aniga ii dhiibtay waxa uu ahaa wiilkii aan ka sugayey guurka waxa uu igu yiri sada tan:

Abaayo majecleen in tan oo kale ay dhacdo balse nasiibka ayaa sidaan noqday, waxaan arrintan oo dhan u sameeyayna waa must-aqbalkeyga dambe, mana doonayo in-aan adidaga ku dhibo waayo waxay aheyd inaan marhore ka taxadaro guurk-aaga si aad ahna uga fiirsado balse iska ilow wixii na soo maray maantana waxa aan go'aansaday inaan joojiyo arooskaaga marka iska key cafi xilligan laga bilaabo waxaad tahay qof xur ah aniga xageyga waad ka furantahay' markii aan intaas maqalay cabaar baan aamusay dadkii goobta ku suganaa dhamaan xageyga ayey soo eegeen wax-ayna i weydiiyeen waxa bedelay farx-adeeydii laakiin waan u jawaabi kari waayey, waxaa iga soo haray idho iyo aam-usnaan maalintaasi waxay ii aheyd maalintii iigu muragada badneyd waxa halkaasi ku soo afjarmay rajadii aan ka qabay inaan noqdo hooyo guri leh".