Maxaad ka xasuusataa Qorayaashii soo maray Wargeyska Aayaha Nolosha? (Qalinka Xaaji Tahriib).

Written by bile mohamed on .

Iyada oo Bishan october ee aynu Ku Jirno 28 Keeda Maanta oo Kale ay Ku Beegan Tahay Kolkii Dhidibada Loo Aasay Wargeyskii ugu Horeeyay ee Ka Faalooda Arimaha Qoyska Nabadda iyo Jaceylka Kaasoo Kasoo Bixi Jiray Gudaha Dalka Soomaliya, Waxaana ay Xaruntiisu ay Aheyd Magaalada Muqdisho.

Hadaba Qorayaashaas oo Ahaa Kuwa Ku Xeeldheer Qoridda Macluumaadka Kusaabsan Arimaha Bulshada Sida:-

1-Wararka Kala Duwan ee Ka Dhaca Gudaha Dalka iyo Waliba Guud Ahaan Caalamka

2- Qormooyinka Kala Duwan oo Hadba Mowduuc Lagu Abaaro.
3- Barnaamijka fanka iyo Suugaanta
4- Sheekooyinka Taxanaha ah.
5- Talo Celin, iyo Waliba Qormooyin Kaloo Goos Goos ah.

Hadaba Wargeyska Aayaha Nolosha oo ahaa Wargeyskii ugu Horeeyay ee Ka Faalooda Arimaha Qoyska Ayaa Soo Maray maraaxiil Kala Duwan, Waxa ayna Madaxdii, Maammulkii iyo Waliba Qorayaashii Wargeyskuba usoo Dhabar Adeygeen Howl Culeyskeeda laheyd, Taasoo Si Sahal ah in looga Gudbo Adkeyd.

Hadaba Wargeyska oo Dhidibada loo Aasay 28/0ct/1998, ayaa Waxa uu Bilowgiisaba Suuqa Kusoo Galay Dar Dar Culus Taa oo Sababtay in Mudda Bil Gudaheeda Afar u Laab Tiradii Lasoo Saari Jiray Lagu Kordhiyo, Taana Waxaa Sababteeda Lahaa Xirfadlayaashii iska Kaashaday Soo Saaridda Wargeyskaas.

Kuwaas oo Had iyo Jeeraalaba u Taagnaa in Aqristayaashooda Ka haqab Tiraan Warar Runta Ku Saleysan, Maqaalo Xiiso Leh, Sheekooyin Maad iyo Murtiba Leh, Waxa ayna Taa Markale Sababtay in Sidii Dayax Shan iyo Tobnaad ah uu Wargeysku Kaga Muuqda Suuqyada Maalinta Arbacada ah.

Hadaba iga Hooya Magacyada Qorayaashii Wargeyska Soo Maray:-

1- Tifaftire: C/raxmaan Cumar Madoobe ( Caaqil Dalmar).-

2- Maamule:-C/kariin ibraahim Aaden (Ampacilliin).
3- Maxamed Shiil Xasan Shiil.
4- Ismaacil Sheekh Khaliif (Abwaanka).
5- Maxamed Xuseen Yuusuf ( Xaaji Tahriib).
6- Xasan Cali Geeseey ( Al-Qeys).
7- C/laahi Muuse Xasan (Kalgacal).
8- Maxamed Deeq Barre Fiyoore.
9- Maxamed Faarax Cali ( Duurgal).
10 – C/risaaq Jaamac Cilmi Blac Yare.
11- Asad Abuukar Cali (Aasad Yare).
12- Bile Maxamed Cabdi (Bile Baasteey).
13- ismaaciil Cumar Madoobe
14- Daa’uud Xaaji Raage Daaxaa.
15- Yuusuf Bidaaye ( Wariyihii ugu Soo Warami Jiray Wargeyska Degmada Waaberi.
16- Wiilo Cali Bulxan.
17- Mustafa Cadaay Xuseen.
18- C/nuur Qujufaa.
19- ustaad Cabdalla Nuuradiin Axmed Alaha u Naxariistee.

20- C/rashiid Taataa.

21- C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatooni).

Hadaba intaas iyo in Ka Badan oo Aan Xasuusan Amaba iiga Dabneysay Wargeyska, Markale Waxaan Leeyahay inta Nool Meel Kastood Dunida Ka Joogtaan Nabad Ku Waara inta Dhimatay Sida ustaad Cabdalana Alaha u Naxariista.

Dhamaad…………..Dhamaad…………Dhamaad……..Dhamaad.

WD: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji-Tahriib).