XILKA QORAAGA WAA KAMID DHISIDA DALKIISA.

Haddii aad tahay Shaqsi uu Qalinkiisu muhiim yahay ama Saamayn keeni karo, waxaa waajib ah, in aad u adeegsato Wanaaga iyo wax walba oo abuuri kara Bulsho is Jecel oo Nabadgalyo ku wada noolaata.
Waxa aad isweydiin kartaa waxa uu yahay Xilka Qoraaga balse waa muuqataa in durba ay Maskaxdu kuu soo gudbineyso jawaabta oo Arimo badan Khuseeysa.

Qoraaga Wanaagsan waa midka mar walba Qormooyinkiisa gundhig uga dhiga in bulshadiisu noqoto kuwo is jecel oo nabada ka shaqeeya, kana fogaada waxyaabaha abuuri kara xasaradaha iyo Nabadgalyo darada.

Dadka qaar ayaa qaba in nabada oo laga hadlo ama qiimaha ay Dawladu leedahay oo shacabka loo iftiimiyo, ay tahay in Dawlada lagu Kasbanayo ama Xil looga rabo, taas ma aha macnuhu, ee Waajibka Saaran qofka Qoraaga ah ee wadaniga ah ama Suxufiga qoraaga ah ayaa Faraya in uu Xoogga saaro wax walba oo dalkiisa dhisi kara islamarkaana keeni kara isu soo dhawaansho is Jaceyl ku dhisan oo dhex marta Dadkiisa

Bal fiiri xilligan oo Magaalada Muqdisho aad u horumarayso, taas oo maalin walba ay ku biirayaan dhismayaal cusub Nabada la helay awgeed.

Sida aan ognahay wakhtiyada qaar waxaa ka jirey Magaalada abaaro iyo cagabarar ay dad badan ku dhinteen..iyadoo dagaalada wakhtiyadaas socdayna ay shacabku raxan-raxan u dhimanayeen.

Waxaa kale oo ay sababeen Dagaaladaasi waxyaabo Soomaaliya ayna dhaqan iyo hido u lahayn,oo caalamkana ay la yaabeen, iyada oo aan ognahay in aan ka dhaxalnay dhiiga badan ee la daadinayey, qiima daro Soomaaliya ku dhacday.
Maanta waxaa ifaya Shamicii Dawladnimada waxa ayna Soomaaliya Cagta Saartay Wadadii Nabada, waxaana Cashar ugu Filan Shacabka wixii dhacay, qof walbana waxa uu Diyaar u yahay in uu Nabada taageero,.
Sidoo kale waxa ay rajo gashay qurba joogta Soomaaliyeed in ay dalkii dib ugu noqdaan oo ay ka sameeyaan maalgashi, kuwo badan oo ila soo xiriirey ayaa ii xaqiijiyey in ay wadankii dib ugu laabanayaan.

Arimahaasi oo dhan waxa ay ku tusinayaan isbadalka horumar uu dalkeenu maanta marayo, waxaana laga gudbay dib u dhac iyo wax walba oo Caqabad ku ah Nabada dalka iyo dadka, waxaana shaki kujirin in Nabadu ay tahay Furaha Horumarka oo uu xil inaga wada saaranyahay dhamaanteen sidii aan uga qayb qaadan lahayn, abuurista bulsho is jecel oo ku wada noolaata jawi Nabadgalyo oo degan islamarkaana garab istaaga Dowladooda Si aynu u Dhuuqsano.

W.Q:- Mohamed Farah Duurgal.

Kambala-Uganda.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>