XAFLAD AROOS OO MAR QURA AY KU DHINTEEN 15-RUUX IYO FARXADDII OO ISKU BEDESHAY MURUGO IYO…

Mas’uuliyiinta dalka Beru ayaa xaqiijiyey geerida 15 ruux oo ka mid ahaa dad xaflad aroos ka qayb qaglayey dalkaasi, madaxa machadka difaaca Madaniga ee dalkaasi Jorge Jaafees ayaa sheegay inay dadkaasi geeriyoodeen, kadib markii uu roob xoogan oo ka da’ay degmada Andean oo ku taala koonfurta dalkaasi sababtay inuu qeyb ahaan soo dumo derbiga hotelka lagu magacaabo Alhambara hotel.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyey darbigaasi soo dumay inay ku dhinteen dadkaasi gaaraya 15-ka qof, sidoo kalena dhaawac yihiin 34 ruux oo kale, booliska ayaa la arkaayay oo ka qayb qaadanaya samatabixinta dadka dhibaatada ay soo gaartay, xafladdii arooska ee socotay ayaa mar keliya isku bedeshay goob murugo badan oo dadka ay wada ilmeeyeen, kadib markii roobkaasi da’ay uu sababay soo dumista derbiga.

W/Diyaariyey: Ismaaciil Cumar Madoobe (Caaqil-Yare).

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>