XAASKA MADAXWEYNE CAAN AH OO QALIIN DEGDEG AH LAGU SAMEEYAY

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in xaaskiisa Melania Trump shalay la seexiyey xarunta caafimaadka Walter Reed National Military Medical Center.

Melania Trump oo 48-jir ah ayaa la shaaciyay in qaliin looga sameeyey Kelida, waxaana la  filayaa inay maalmaha soo socda ku sii jirto Isbitaalka ilaa ay ka soo bogsanayso. iyadoo la sheegay inay xaalladeeda haatan wanaagsan tahay.

Hadal ka soo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Donald Trump rajeynayo inuu Melania Trump ku soo booqdo Isbitaalka ay ku jirto oo dhanka Waqooyi kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Washington.

Donald Trump waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay inay Xaaskiisa xaalad wanaagsan ku jirto, isla markaana uu ku sii jeedo si uu u soo booqdo.

Marwada koowaad ee dalka Maraykanka oo ka soo jeeda dalka Slofenia ayaa la sheegay inay isbuucii hore hakisay Ajendo ka mid ah howsha ay ka hayso Aqalka cad oo diiradda lagu saari lahaa taageeridda Carruurta.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>