WIIL SOOMAALIYEED OO ASKAR KANADIYAAN AH TOOREY KU WEERARAY OO WAX DEMBI AH LAGU WAAYAY

Wiil Soomaali ah oo ku eedeysnaa inuu Tooreey ku weeraray askar ka tirsan dalka Kanada ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taala magaalada Toronto ee dalkaasi.

Wiilkaas oo lagu magacaabo Ayaanle Xasan Cali, ayaa lagu soo oogay weerar Tooreey oo uu ka geystay Xarun Milliteri oo uu bishii Maarso ee sannadkii 2016-ka xoog ku galay.

Maxkamadda ayaa waxay wiilkaas Soomaaliga ah  ka berri yeeshay  inuu xubin ka ahaa Kooxaha argagixisadda, iyadoo la sheegay inuu eedeysanuhu yahay qof qaba xanuunka Dhimirka.

Garsoore Iyaan MakDonald ayaa sheegay in falkii uu eedeysanuhu galay uusan gaarsiinayn heerka sharciga dalka Kanada ee argagixisada.

Eedeysanaha waxa uu sheegay inuusan gelin saddexdii dembi ee lagu soo oogay oo kala ahaa: Isku-day dil, haysasho hub iyo inuu dad waxyeelo gaarsiiyay.

Eedeysanaha waxa uu bishii Maarso 14-keedii ee sannadkii 2016-kii xoog ku galay Xarun ay Ciiddanka Kanada ku leeyihiin Waqooyiga magaalada Toronto, halkaasi oo uu Tooreey ku dhawaacay ugu yaraan 2 Askari oo aan labisnayn, iyadoo markii dambe eedeysanaha loo itaal-sheegtay, lana qabtay.

Qareenadiisa ayaa sheegay inuusan eedeysanaha wax xiriir ah la lahayn Kooxaha argagixisadda, isla markaana uu keligiisa geystay weerarkaasi.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>