WIIL SABAB LAYAAB LEH TOOREY LOOGU DILAY

Rag ku hubeysan Toorey ayaa caawa fiidkii Wiil dhalinyaro ah ku dilay xaafadda Dabaqeynka oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa yimid kadib markii wiilka dhalinyarada ah uu eryaday ragaas burcadda ah oo dhac u geysanayay dadka ku nool xaafadda Dabaqeynka, iyadoo sida la sheegay burcadu ay ku soo jeesteen wiilka kadibna ay toorey ku dileen.

Nimanka dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana dilka wiilkan oo magaciisa lagu soo koobay Mascuud ka xumaaday shacabka degaankaas oo aad u garanayay.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa mararka qaar waxa ay ka dhacaan degmooyinka Gobolkan Banaadir,  walow aysan ahayn kuwo sidaas u badan.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa xilli ay baryahan dambe dadka ku nool xaafadda dabaqeynka ee degmada Yaaqshiid ay ka cabanayeen kooxo burcad ah oo mararka qaar dhac u geysta.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

534 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>