WIIL MAREYKANKA LAGA MUSAAFURIYAY OO MUQDISHO LAGU DILAY

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa dalbatay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 2-kun oo ku sugnaa dalka Mareykanka dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo sheegtay in amaanka dadkaas ay damaanad qaadayso dowladda Soomaaliya.

Dadkaas dib loogu celiyay Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Axmed Saalax Xasan, waxaana shalay lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay dad ka badan Toban ruux ku geeriyoodeen, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Axmed wuxuu markii hore ku noolaa dalka Koonfur Afrika, markii dalkaasi ay dilalka ku bateen ayuu safar dheer u maray dalal badan oo ku yaala Laatin Ameerika si uu nabadgalyo iyo nolol wanaagsan uga helo, balse markii uu soo caga dhigtay dalka Mareykanka ayaa la dhigay xabsi ku yaala gobolka Alabama ee dalkaasi, dowladda Soomaaliya oo waqtiyadii dambe bilowday dadaallo ay ku doonayso in ay ku soo celiso dadka Soomaaliyeed ee nabadgalyada u raadsaday wadamada reer galbeedka ayaana dalka dib ugu celisay iyadoo sheegtay inay ammaanka dadkaasi sugeyso, balse taasi wey beenowday oo dad badan ayaa qaraxyada ku dhinta xilli waliba, iyadoo madaxda dowladdana ay heystaan ilaalo gaar ah iyo gaadiidka aan xabbada karin.

Axmed kaliya ma aha dadka Mareykanka ka laabtay ee Muqdisho lagu dilay, waxaa jira Labo ruux kale oo kol hore ku geeriyooday qaraxii Soobe ee magaalada Muqdisho ka dhacay.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa beryahan dambe ku soo badanaya qaraxyada ay Al-shabaab la beegsadaan goobaha dadka rayidku ah ay istcimaalaan, qaraxii maalintii shalayna waxa uu ka dhacay meelo ku dhow goobo ganacsi, dadka ugu badanna waxay ku dhinteen Maqaaxi xilligaas laga cunteynayay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>