WIIL ISAGOO GABAR CAAWINAYA MUQDISHO LAGU DILAY

Gabar degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho ay   habeenkii xalay ahaa kooxo hubeysan ay uga dheceen telefoonka gacanta oo ahaa mid qaali ahaa ayaa wiil ganacsade caan ka ahaa degmadaas oo isku dayay inuu gabadhaasi caawiyo ay dileen kooxdii gabadha telefoonka ka dhacday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ganacsadahan la dilay uu isku dayay inuu is-hor taag ku sameeyo ragii hubeysnaa ee telefoonka ka dhacay gabadha oo ku qeylisay in laga caawiyo sidii telefoonkeeda kooxdan hubeysan ay uga soo ceshan laheyd balse rasaas ay ku fureen wiilkii uu isla goobta ku geeriyooday.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Ayuub Axmed Daahir Tooxow oo ku jiray gudaha carwadiisa ayaa la sheegay inuu ku soo baxay qeylada gabadha isagoo isku dayay inuu burcadda hubeysan uga qaado gabadha telefanka ay ka dhaceen balse rasaas ay ku soo fureen ay keentay in isla goobtii uu ku geeriyoodo.

Kooxda dilka geystay oo watay Mooto Bajaaj ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo saraakiisha amaanka degmada Xamar-weyne ay sheegeen inay ku raad joogaan soo qabashada kooxdaas.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furan goobo badan oo lagu iibiyo Telefoonnada dadka rayidka laga soo dhaco, iyadoo dowladduna aysan weli qaadin tallaabo ay kaga hor tagayso kooxaha habeen iyo maalin dadka dhaca iyo sidoo kale xiritaanka suuqyada lagu kala iibsado waxyaabaha la soo dhaco.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>