WASIIR GEERIYOODAY XILLI UU QABANQAABINAYAY AROOSKA GABADHIISA

Wasiir ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa geeriyooday xilli uu ku mashquulsanaa qabanqaabada  xafladda arooska gabadh uu dhalay.

Wasiirka ayaa magaalada Dubai ee waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta u tagay ka qeybgalka arooska gabadhiisa, balse xalay oo khamiis ahayd ayuu u geeriyooday xanuun kedis ah oo ku soo booday.

Alle ha u naxariistee Wasiirkii Dastuurta dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyay Wasiirka waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ay magaalada Dubai isla joogeen.

“Innaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun, geeridu waa xaq, waa meel loo wada socdo, runtii waxaan Dubai isugu nimid inaan gabadhiisa arooskeeda sameyno, laakiin nasiibdarro ayaa dhacday, wuu xanuunsaday, markii isbitaalka la geeyayna wuu ka sii daray, xalay wuxuu ku baryay qeybta la dhigo bukaannada xaaladdoodu halista ay tahay, ugu dambeynna goor dhaweyd oo maanta ah ayay naftu ka baxday, Alle ha u naxariisto, qabrigiisana ha u waasiciyo”, ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.

“Meydka wasiirka waxaa loo duulin doono magaalada Muqdisho oo loogu samaynayaa aas qaran oo ay mas’uuliyiinta dowladda ka qeyb gelayaan” ayuu yiri C/llaahi Goodax.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>