WARIYE LOO HEYSTAY INUU XAASKIISA DILAY OO LA FASAXAY

Wariye caan ku ahaa soo tabinta musalsalada la xariira dambiyada oo  lagu soo eedeeyay inuu dilay xaaskiisa ayaa haatan xor noqday oo xabsigii laga soo daayay.

Wariyahan oo lagu magacaabo Suhaib Ilyaasi ayaa isagoo muddo sanad ah xiran waxaa Maxkamad ku taala magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindiya ay ku weysay wax dembi ah, isagoo ku eedeysnaa in xaaskiisa Anju Ilyasi uu ku dilay toorey sanadkii 2000.

Qoyska gabadha ayaa ku eedeeyay Suhaib inuu gabadhooda isaga dilay, isagoo sida ay sheegeen ka doonayay in uu ka qaato lacag yarad dheeraad ah, balse Maxkamadda oo xukuntay wariyaha, balse uu racfaan ka qaatay xukunkaas ayaa in muddo ah kiiska dembigaasi baaraysay, waxayna Maxkamaddu sheegtay in wariyahani ay ku weysay dembiga lagu soo eedeeyay, isla markaana uusan isagu dilin xaaskiisa.

Sanadkii 2017-dii oo Suhaib Ilyasi xabsiga la dhigay ayaa waxaa Maxkamadda kiiska dacwada Wariyahan qaadeysay ay ku xukuntay xukun xabsi daa’in ah kadib markii Maxkamaddu heshay caddeymo la xariira in uu dilkaasi fuliyay, balse baaritaan dheer kadib ay haatan xaqiiqsatay inuusan isagu dilin xaaskiisa.

Wariyahan loo heystay in uu dilay xaaskiisa ayaa racfaan ka qaatay xukunka lagu riday ee xabsi daa’inka ah, waxa uuna sheegay in isagu uusan ka dambeyn dilka xaaskiisa balse iyadu ay gacanteeda isku dishay.

Maxkamad ku taala magaalada New Dalhi ayaa mar kale ku laabatay kiiska Wariyahan, waxaana garsooraha sare ee Maxkamada markii dambe uu fasaxay Suhaib Ilyasi  isagoo sheegay in la waayay caddeymo ku filan kiiska loo heystay Suhaib oo haatan bannaanka kaga soo baxay xabsigii uu ku jiray.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>