WARIYAYAASHA MUQDISHO OO KA CABANAYA XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA+VIDIEO.

Wariyayaasha ka howlgala warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka cabanayaan xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo kan Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Tiro wariyayaal ah kana kala socda qeybaha kala duwan warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan heysan wax xoriyad hadal ah isla markaana aanan loo ogolayn inay xogo soo duubtaan, taas badalkeedana loo soo diro warbixinto ay ka soo shaqeeyeen xubno wakiilo warbaahineed u ah xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan madaxweynaha, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid u eg guulwadeen aynan aqbali doonin.

“Waxaa naloo soo diraa xogo taageersan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo gaa-gaaban isla markaana aanan lahayn meel loo raaco, taasoo ah guul-wadoow siyaad, waayo waa mid taageersan xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, marka anaga warbaahin madax banaan ayaa nahay, ma noqon karno dad iyaga wararkooda buunbuuniya, maantana taas ayaa nagu dhacday, dhibka na heystana waxaa ka mid ah in aanan helin xogo nagu filan” ayuu yiri mid ka mid ah wariyayaasha ka cabanaya xafiisyada mdaxda dalka oo tacadiyo baahsan ku haya warbaahinta madaxabanaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wariyayaasha waxay adduunka u sheegeen inay ogaadaan caburinta joogtada ah iyo hanjabaadyo kaga imaada xarunta madaxtooyada villa Somalia, gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>