WALAALO SI FOOL XUN ISKU DILAY MAGAALADA MUQDISHO.

Wiilal walaalo ayaa waxa ay isku dileen suuqa Bakaaraha Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana ninka la dilay iyo kan wax dilay la sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay.

Ninka dilka geystay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Xasan Cali Maxaadeey waxaana la sheegay in ninka ay walaalaha yihiin uu dilkiisa u isticmaalay tooreey, iyada oo labadooda dilka ka hor ay wada murmeen, in kastoo aanan la shaacin waxa ka dhaxeeyey ee keenay muranka is dilka walaalahaasi.

Qaar ka mid ah ehelada ninka wax dilay iyo kan la dilay ayaa waxa ay sheegeen in ninka dilka geystay ee lagu magacaabo Xasan Cali Maxaadeey uu maalinta berito ah Arbacada uu u ambabixi lahaa safar dibada ah, hase yeeshee dilkan uu geystay.

Falalka noocaan isdilka ah ee tooreyda loo adeegsanayo ayaa kus oo batay Magaalada Muqdisho, waxaana dilkan uu ku soo aadayaa xili habeenimadii xalay wiil dhalinyaroa h ay koox burcad ah toorey ku dileen xaafada dabaqeynka Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

534 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>