WADAAD CAAN AH OO KU DHAAWACMAY QARAX KA DHACAY MUQDISHO.

Iyadoo ay isasasoo tarayaan khasaaraha  dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay qarax gari loo adeegsay oo maanta barqadii ka dhacay maqaayad u dhow Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho.

Warar soo baxay qaraxa kadib ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa Maanta uu ku dhaawacmay Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah guddoomiyaha ururka islaamiga ah ee Majmaca Islaamka.

Sheekha ayaa la sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay uu goobta ku sugnaa, waxaana qaraxa sidoo kale uu geystay khasaaro dhimasho mid dhaawac iyo burbur hantiyadeed intuba.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa ah Aabaha Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaraxaasi ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa galafsaday nolosha in ka badan 12 qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 kale, waxaana mas’uuliyada weerarkaasi sheegtay Al-shabaab.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>