UBAXII XASUUSTA (QORMO XIISO IYO DAREEN LEH).

Wax walba oo ay noloshu caado ka dhigato waxa ay noqdaan qayb iyada ka mid ah oo ay ku xisaabtanto, haddii ay weydana ay tabeyso, iyada oo ka wewelaysa sida ay wax isu badaleen waxaana tusaale inoogu filan sheekadan hoose.

Qoraa Masri ah ayaa buug ka qorey gabar uu dhaley nin gudoomiye gobal ah oo uu jeclaadey wiil sabool ah oo ay dugsi wada dhigan jireen, aad ayuuna u jeclaadey gabadha isaga oo markii uu u sheektayna ay ka diidey jaceylkiisa iyada oo sabab uga dhigtey in ayna isku heer aheyn, si kasta oo uu ula hadley waa uu ku guul dareystay in ay jaceyl iyo nolol la wadaagto.

Wiilka gurigooda waxa uu ahaa cariish jajaban, balse waxaa ka buuxey oo aad uga baxay geedo Ubax ah oo qurux badan kuwaas oo uu ku talaaley Aabihii dad badan ayaana soo booqan jirey Ubaxyada.
Haddaba markii ay Jaceylkiisa diidey ayuu ka Codsadey gabadhii.

“Haddii aad i diidey in aad ila qaado Kalgacalka aan kuu hayo waxaan baryayaa intaas badalkeeda aad igu caawiso in aad subax walba iga gudoonto Ubax qurux badan oo aan hadiyad ahaan kuugu keeno”.

Gabadhii wey ka ogolaatey waxa ayna tiri
” waan kuu fulin haddii ay intaas wax kuu qaban
subax walbana waan kaa qaadan Ubaxa”.

Wiilka waxa uu iskuulka ku aadi jirey Baaskeel maadama uu ka fogaa halka uu gurigooda ku yaalo, gabadhuna waxaa ay ku tagi jirtey gaariga ugu quruxda badan oo soo hor mari jirey guriga wiilku deganyahay.

Waxa uu bilaabey in maalin walba uu amin hore ku sii xaadiro ganjeelka iskuulka oo uu la sugo Ubaxa gabadha uu Jeclaa oo halkaas uu ku siin jirey.

Muddo dheer haddii uu subax walba la kalihi jirey Ubixii ayaa maalintii dambe uu daahay waxa uuna arkey isaga oo u diyaar garoobey aroortaas oo uu dib u dhacay gaadhigii gabadha oo dhaaftey, Baaskiilkii ayuu kala daba ordey baabuurkeedii oo wax badan ka horeeya isaga oo Ubixii quruxda badnaa gacanta ku haya

Si lama filaan ah ayaa baabuur weyn oo xamuul ah uu ugu dhuftey wiilkii waxaana gaarey dhaawac halis ah isaga oo loola ordey Isbitaalka, waxa uu ku dheganaa Ubaxa, in laga qaado ayaa la damcay waase laga furfuri kari waayey, dhakhtarkii wuu ka diidey waxa uuna ka codsadey oo kula dardaarmey in Ubaxan uu u wadey qof uu Jacelyahay oo diidey, Sidaa darteed lala duugo Ubaxa oo wakiil uga ah Jaceylkiisa, isaga oo yiri 
” Haddii aadan fulin dardaarankeyga aakharo ayaan ku haystaa”

Maalintaas Gabadhii waa ay diidey in ay ganjeelkii dhaafto oo ay fasalkii gasho, waxa ayna Sugeysay Wiilkii iyo Ubixii uu u keeni lahaa , Cashar ma ay qaadan, wakhti dambe ayaa wiil Joornaal wareejinaya ay ku aragtey warka Shilka wiilkii oo ay ku sawiranyihiin Isaga oo dhulka yaala Baaskiilkiina ag yaalo, baabuurkii ku dhuftey iyo isaga oo dhaawac halis ah, gacantana ku haya weli Ubixii, isbitaalka la dhigey iyo sida wax u dhaceen.

Markiiba Isbitaakii ayey ku Oradey, waxa ayna iridka ka gashey iyada oo ku qaylineysa
“Ubaxa iga siiya, Ubaxa Aniga ayuu ii wadey”

Dhakhtarkii waxa uu sheegay in uu hadda koomo ku jiro balse aan Ubaxa laga qaadeyn haddii uu dhintana lala duugi doono.

Wiilkii muddo yar ka dib wuu geeriyoodey Gabadhiina wax waalan ayey dhulka isugu garaacdey Aabaheed iyo dad badan ayaa ku taliyey in Ubaxa la siiyo gabadha maadama uu iyada u wadey, dhakhaatiirtiina waa ay diideen oo waxa ay fuliyeen dardaarankii wiilka arintiina waxa ay tagtey Maxkamad in ay dadkii kala saarto.

Adigu maxaad ku talin laheyd akhriste fikirkaaga waa muhiim?.

W/Qoray: Mohamed Farah Duurgal.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>