TAHRIIBAYAAL AY SOOMAALI KU JIRTAY OO LAGU QABTAY DALKA TURKIGA.

Warar ay baahiyeen ilaalada xuduudaha dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in la qabtay Tahriibayaal ka badan 287 qof, kuwaasi oo intooda badan lagu xiray Waqooyi Galbeed ee dalkaasi.

Ilaalada Xuduudaha ee dalka Turkiga ayaa sheegeen inay 220 Tahriibayaal ka qabteen Degmada Meri cee gobolka Edrine ee Waqooyi Galbeed dalkaasi, halka tira kale oo fara badana la qabtay Tuulooyinka Bosnakoy iyo Orhaniye.

Tahriibayaashan oo doonayeen inay dalalka Yurub uga soo gudnaa dalkaasi waxay ka soo kala jeedaan Dalalka Soomaaliya, Syriya, Pakistaan, Liibiya, Algeria, Falastiin, Maroko, Ciraaq, Iiraan, Tunisia, Bangaladesh, Afganistaan, Senigaal iyo dalka Kongo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>