Sifooyin lagu cabiray waxa uu jacayl yahay (wax ku biiri ama sifayaashan ku qanac)

Jacaylka iyo sifihiisa qof waliba si u fasir oo qeexitaan u gaar ah ayuu mid waliba ka bixiyey, Haddaba adiga akhristaha marka aad dhuuxdo sifayaashan laga bixiyey jacaylka ama waad ku raaci ama adigana sifo ka duwan kuwan ayaad ku tilmaami doontaa ee nala dhuux:-

= Jacayl waa xaaladda farxadda qof kale ay kaala muhiimsan tahay taada (Robert A. Heinlein)

– Jacaylku wax ma sheegto, Wax uun buu bixiyaa (Mohandas K. Ghandi)

– Jacaylku haddii aanu ahayn waali, maba aha jaceyl (Pedro Calderon de la Barca)

– Nolasha waxay leedahay hal  farxad oo ah inaad wax jeclaato ama lagu jeclaado (George Sand)

– Jacaylku wuxuu kugu qasbi karaa waxyaabo aadan is laheyn waa suuragal (Phil Collins)

– Adduunyada waxaad tahay qof, ruuxna waxaad u tahay adduun (Lama yaqaano cidda leh)

– Meeshii uu jiro jacayl dhab ah waxaa jiro mucjiso. (Willa Cather)

– Way adag tahay sida aad ku gasho badweynta jacaylka, waxaase ka sii adag sida aad uga baxdo (Sean Bawden)

– Gabadhu waxay u taqaanaa ninka ay jeceshahay sida badmaaxuhu u kala yaqaano badweynta.(Honore de Balzac)

– Wadno wax jecel waa bilowga aqoonta dhammaanteen. (Thomas Carlyle)

– Jacaylku ma dhinto. (Francis Ford Coppola)

– Kala maqnaashuhu  jacaylka wuu affeeyaa isla-joogistuna awoodbay u yeeshaa. (Thomas Fuller)

– Jacaylku waa god ku yaala wadnaha. (Ben Hecht)

– Jacaylku waa luqad uu qof kasta ku hadlo hayeeshee wadnaha uun uu fahansan yahay. (Shirley Rindani)

– Meeshii uu jiro jacayl waxaa jiro nolol. (Mahatma Gandhi)

– Suurtagal ma aha inaad qof jeclaato iyo inaad caqli lahaato (Francis Baco)

Haye akhriste wax ku biiri ama sifayaashan ku qanac

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

211 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>