SIDEED KU OGAAN KARTAA JACAYLKA QARSOODIGA AH…?

Jacaylka qarsoon ee uu qofi kuu hayo ogaanshihiisu waa ay adag tahay ka gun gaaristiisana waxa ay qaadataa  wakhti aad u dheer, mana ah wax fudud in marka u horaysa  la dareemo qof ku jecel sida ay u fududahay in aad dareento waxyaabaha kale.

Had iyo jeer dadka uu jacaylku la soo darso rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee si daacad ah ugama run sheegaan, ku dhiirashada inay si bareer leh ugu soo bandhigaan jacaylka ay u hayaan qofka sida dhabta ah ay u jeclaadeen, waxaana inta badan la soo dersa dareen baqdin iyo cabsi leh, iyaga oo ka cabsi qaba haddii ay u soo bandhigaan shaqsiga ay jecel yihiin in lagu gacmo sayro oo ay la kulmayaan niyad jab, waxaanad niyadaada ku haysaa in qofka sida dhabta ah jacaylka kuu qaba aanu sinaba kuugu soo bandhigi karin rag iyo dumar kuu doonaba ha ahaadee waayo labada qof ee sida dhabta ah isku jeceli lagama yaabo inuu ku yiraahdo waan ku jecelahay midba midka kale balse wey ogyihiin waxaa ka dhexeeya waxaanay isku dareensiiyaan waxa aad ka garan karto qofka sida dhabta ah kuu jecel, sidaa awgeed haddii aanu sii ogayn qofka wax jeceli jawaabta uu kala kulmi doono qofka uu jecel yahay, marka uu jacaylkiisa u sheegan waayo ayaa waxa ay ku kaliftaa qofkaasi amaba sabab u ah in qofkaasi uu qarsado jacaylkiisa taas oo khataro caafimaad oo nafsaani ah ku keenta qofka wax jecel.

Waxa jira dad uu ka xoog bato dareenka qiirada leh ee jaceylku oo si fududna looga fahmi karo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee.

Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaqamo iyo caadooyin badan oo u diidaya gabadha ceebna ku ah in ay si fudud ugu soo bandhigto wiilka ay jeceshahay jacaylkeeda iyo waxyaabaha ka dhabta ah ee ay ku dooratay amaba dareenkeeda naf ahaaneed.

Waxa kale oo jira dhaqamo iyo caadooyin u fasaxaya gabadha in ay ku dhiirato sidii ay ugu soo bandhigi lahayd, Tusaale ahaan gabdhaha ku nool qurbaha oo kale ceeb kuma ah in ay tiraahdo “Hebeloow waan ku jeclahay”, sidaa daraadeed ragga way ku adag tahay in ay ogaadaan gabadha aadka u jecel, maxaa yeelay dumarku uma qirtaan jacaylku sida uu yahay, xitaa haddii uu ka dhab yahay, sidaa awgeed waxa jira waxyaabo badan oo aad si fudud uga fahmi karto gabadha ama wiilka sida qarsoodida ah kuu jecel waxeyna kala yihiin qodobadaasi:-

1-Adigoo isbarbar dhig iyo qiimeeyn ku sameynaya hab dhaqanka  qofka ku jecel uu dadka ula dhaqmo/dhaqanto iyo sida uu adiga kugula dhaqmo.

2-Haddii aad qofka/qofta ka dareento in uu ku siinayo tixgelin ka badan ta uu dadka kale siiyo qofkaasi wuu ku jecel yahay/jeceshahay ee sidaasi ku ogow.

3-Dadka qaar ayaa aad uga werwera badbaadada qofka ay jecel yihiin, sidaa daraadeed haddii qofku uu aad xil isaga saaro in uu ogaado halka aad joogto iyo waxa aad ku sugan tahay isaga/iyada oo ku waydiinaysa/naya dad xog ogaal kuu ah, qofkaasi wu ku jecel yahay.

4-Haddii qofka ku jecel aad ku aragto hinaase waxa lagu sifeeyaa aragtida noocaasi ah in uu ku jecel yahay, maxaa yeelay hinaasaha laftiisu waxaa uu qayb lixaad leh ka qaataa jacaylka dhabta ah ee ay kuu hayso/hayo qofkaasi.

5-Haddii uu qofku mar waliba hadal heyntaada hayo iyo amaantaada ogow si dhab ah inuu ku jecel yahay qofkaasi.

Qofka ku jecel ee aan kuu soo bandhigin jacaylkiisa waxa ku abuurma dareen baqdin leh, waxaanay had iyo jeer ka werwertaa in ay waydo qofka ay jeceshahay oo uu raaco qof kale oo aan isaga/iyada ahayn.

Haddaba haddii aad ka dareento qof aad wada sheekeysataan amaba walaltinimo idinka dhexeyso  astaamahan waxa lagaaga baahan yahay in aanad lumin jaaniskaasi oo aanad dayacin jacaylkeeda/kiisa ee aad ka faa’iidaysato fursadda qaaliga ah.

Astaamahan aad aragtay run ahaantii waxa aad si fudud u soo jiidan kartaa una ogaan kartaa, kasban kartaana qalbiga qofka ku jecel, adigoo isku dayaya in aad si dhab ah oo aan dheel-dheeli ku jirin aad u hubiso qodobadan in aad si tallaabo tallaabo ah ula kulantid ulana haasaawdid, una soo jiidatid qofka ku jecel.

Ogow haddii aad ka xishootid haasaawahan hufan oo aad yeelan waydo isku kalsoonida dhexdiina taala ayaa meesha ka baxaysa.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>