1- SOO BANDHIGASHO: Ugu horeyn hanoqon qof ku degdega u bandhigida ama ugudbinta qofka aad jeceshahay fariiintaada jaceylka.

2- DABEECAD: Waa inaad tahay qof furfuran oo dabeecad wanaagsana leh.

3- XISHOOD: Mar waloba waxaa lama huraan ah inaad ahaato qof xishood badan.

4- QURUX: Waa inaad tahay qof qurux badan soo jiidashana leh, quruxduna maha mida wajiga kaliya ee waa quruxda qarsan ee dabciga iyo hab dhaqanka wanaagsan.

5- XOG OGAANSHO: Haddii aad tahay gabadh ama wiil ku dadaal sidii aad u ogaan laheyd qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo ama balwadiisu tahay adigoo aan weydiin qofka aad jeceshahay, Balse raadi wada kale oo aad ku ogaan karto sida adigoo ka wareysanaya saaxiibkii ama saaxibadeed adigoo aan lagaa dareemin u jeedkaadu waxa uu yahay.

6- SHEEKO: Mar walba uga sheekeey qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo uuna ka helo ama ay ka hesho iney dhagaheedu/ dhagahiisu ku soo dhacaan.

7- XIRIIRIN: Qofka aad jeceshahay haddii uu yahay qof kaa fog oo aad laba wadan ku kala nooshihiin ku dadaal sidii aad u xiriirin laheyd mar walba adigoo telefoon kula hadlaya ama waraaqo lagu qoray ereyo qalbiga u roon uguna diraya aalada casriga ah ee internetka, haddiise aad hal wadan wada joogtaan, ama aad meel kawada shaqeysaan waa inaad mar walba ku soo dhaweysaa waji furan oo ay farxadi ka muuqato.

8- KA WARQABID: Qofka aad gaclootay hadii uu kaa fogyahay ama meel wada joogtaan noqo qof ka warqaba oo la qeybsada farxad iyo murug wixii soo wajaha.

9- XIISO: Noqo qof loo xiiso marka uu maqanyahay iyo marka uu joogaba.

10- BALANTA: Waa inaad tahay qof mar walba ilaaliya ballanta.

11- HADIYADO: Ku dadaal in aad u hadiyadeyso qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo.Ogowna hadiyadeynta waxey qeyb libaax leh ka qaadataa kobcinta jaceylka.

12- TIXGELIN: Haddii aad mar waliba qofka aad dooneyso dantiisa aad ka hormariso adiga dantaada qofkaasi waxa uu dareemayaa ugu danbeyn inad si qaas ah u texgiliso misna qalbigaada aad ugu weyn yahay.

Intaas kadib adiga oo aan waxba sameyn ama aadan soo bandhigan ayaa laga yaaba in qofka aad dooneyso in ay dareemihiisa ushegan inaad tahay qofka kaliya ee xaqa u leh in jaceyl uu la wadaago, qofka intaasi kugu dareemi waayo si kale hadii isu heshaan xetaa waligii sirta nolosha makula fahmayo ee waqtigaada haku sii lumin.

Aayahanolosha.net