SHIL NAXDIN LEH OO SAAKA KA DHACAY DEGMADA WAABARI EE MAGAALADA MUQDISHO.

Laba Carruur ah ayaa ku Geeriyootay Laba kalane way ku dhaawacmeyn kadib Markii uu Gaari Jiiray Caruurtaan ku sugneed degmada Waabari ee Gobalka Banaadir, meel u dhaw Buundooyinka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Gaari Nuuca Raaxada ah uu ka soo baxay Laamiga kadib uu jiiray Carruur Dugsi Qur’aan u socotay oo mareysay ka soo hor jeedka Laamiga UNICEF dhinaca degmada Waabari, Gaariga ayaa ka yimid dhinaca Xamar-weyne.

Gen. Xabad oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhigga degmada Waberi ayaa warbaahinta  u sheegay in Gaariga ay wateen 4 qof oo laba ka mid ah ay yihiin Dumar, loona maleynayo iney Cabsanaayeen ama ay soo isticmaaleyn Daroogo oo ay xalay oo dhan dhafar ku jireen sida uu sheegay.

Taliyaha ayaa sheegay inuu Baxsaday Darawalkii Gaariga balse ay qabteen 3-dii qof ee kale oo qeyb ka saarnaa Gaariga waxaana lagu wareejiyay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ee Dambi Baarista CID.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

306 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>