SHEEKADAN MA DHAB BAA….?

Rag badan waxay u haystaan jecaylka marka la shukaansanayo gabadha in lagu soo xera geliyo, waxaad arkaysaa marka ay shukaansanayaan hadalo waxay daldalaan abaayo macaan waan ku jeclahay abaayo naftayda ayaad la mid tahay, laakiin marka la isguursado xaaska waa lagala xishoonayaa hadalka noocaas ah.

Waxaa laga yaabaa ninka marka uu naagta guursado oo guurka ka soo wareegato bil iwm, ninkii ayaad arkaysaa naago kale shabinaya oo hadalo macaan kula hadlaya, marka gurigiisa uu soo galo wuxuu noqonayaa nin xanaaq badan ma arki karo wax yaalla gurigiisa, tolow maxaa is baddalay oo arrinkan keenay, taas maxaa la dhihi karaa ninkan jacaylka waxba kama yaqaano, runtii jacaylka dhabta ah wuxuu imaanayaa marka lays guursado oo ninka iyo naagta ay raaxo dhab ah isla galaan galmo macaan badan sameeyaan, jacaylka galmada wuu ku siyaadaa ee kuma nusqaamo, waxaa la rabay marka guriga laysla soo galo jacayl daran inuu abuurmo oo ka xoog badan midkii marka lays shukaansanayay jiray, waayo kaas ninka iyo naagta isuma bannaanayn, ma raaxaysan karaan, waayo guur ma dhicin, jacaylka xaqiiqada ah wuxuu kordhaa marka ninka uu naagta guursado oo hal meel ay ka soo wada toosaan, oo uu macaankeeda dhedhemiyo oo uu la galmooda quruxdeeda gudaha arko .

Marka laga hadlayo macaanka raaxada waxaa habboon inay jacayl wadato ragga badankooda waxay sheegaan inay ka caajisaan dumarka marka ay ilmo dhalaan, waxay ku leeyihiin xaaskayga waa iga mashquushay marka aan raaxo u baahanahay waxay lugta kula jirtaa howl, isma nadiifiso oo waxay wadataa diraca maanta oo dhan ay jikada kula jirtay, waxaa laga yaabaa inuu jirkeeda ka soo shiiro kana soo uro hilib iyo basal marka naag sidaas ah miyaa raaxada ii keeni karta, marka ay gabadha ahayd oo aan shukaansan jiray waxay soo qaadan jirtay dhar qurux badan, taas ayay igu soo jiidan kartay.

Hadalkan ay ragga qaar sheegayaan wax baa ka jira dumarka waxaa lagaga baahan yahay inay si fiican ugu dadaalaan nadaafadda si ay u raadiyaan raaxada nimankooda.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>