SHACAB U BADNAA HAWEEN OO MAANTA LAGU LAAYAY INTA U DHAXEYSA LAFOOLE IYO AFGOOYE.

Dhacdo aad u xanuun badan ayaa maanta ka dhacday inta u dhaxeysa deegaanka Lafoole iyo Degmada Afgooye kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ooda kaga qaadeen dad u badnaa haween oo howlo nadaafadeed ka waday wadadaasi.

Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose Muqtaar Nuur Geeysay ayaa faah faahin ka bixiyay dad shacab ahaa oo Maanta lagu laayay deegaankaasi.

Waxa uu sheegay in Nuur Geeysay dadka la laayay ay ahaayeen Shacab oo howlo Nadaafadeed ka sameenayay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca deegaanka Lafoole.

Nuur Geeysay ayaa sheegay in dadka la dilay ay tiro ahaa gaarayan ilaa iyo 9 ruux oo u badnaa Haweeyn, kuwaasi oo xiliga falkan uu dhacayay ku guda jiray shaqo ay halkaasi ka wadeen.

Sidoo waxa uu tilmaamay Geeysay in dadkaasi kooxo hubeysan ay u yimideen, isla markaana rasaas xooan ay ku fureen, iyagoona goobta ku geeriyooday.

Dadka kunool Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa aad u hadal haaya dhacdadan Maanta lagu xasuuqay dad shacab ahaa oo howlo nadaafadeed ka sameeynayay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca Lafoole.

AAYAHANOLOSHA.NET

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>