SEYGAAGA U NOQO BOQORAD OO KALE

Haweenay kasta oo la qabo waxaan u heynaa tallooyin haddii ay qaadato ninkeeda uu jeclaanayo, isla markaana uusan gabar kale ku doorsanayn abid inta ay ifka saaran tahay.

Haddaba gabaryahay qaado tallooyinkaan si aad seygaada ugu noqoto Boqoradda uu dunida ku leeyahay:

1- U muuji ninkaaga qalbi jileec, kana ilaali ad-adeyga.
2- Dhibka ilmaha oo dhan haku sii deynin isaga, laakiin dhibaha waaweyn la kaasho.
3- Shaki aan jirin ha u qaadin ninkaaga, sida maseyr aan raad laheyn.
4- Marka uu careysan yahay ama uu daalan yahay haka badin hadalka, balse waxaad isku daydaa inaad dejiso qalbiga ninkaaga.
5- U sheeg mar kasta ninkaaga in uu guulaysanayo haddaad wada dadaashaan iskuna kalsoonaataan.
6- U dhega nuglow waanada ninkaaga.
7- Ku dadaal nadaafada jirkaaga iyo guud ahaan guriga nadaafadiisa.
8- U badal qolka jiifkaaga mar mar si uu horay ugu ogeyn.
9- U sheeg ninkaaga marka uu soo galo inaad aad ugu xiistay inta uu kaa maqnaa.
10- Marka uu shaqada tago wac oo ku dheh macaane ma nabad tagtay, waxa uu dareemayaa jaceyl dhab ah
11- Ha u ogolaan qofna in uu soo galo arrimihiina gaarka ah.
12- U soo iibi hadiyad adigoo si kadis ah uga dhigaya, waayo hadiyadaha waxa ay kobciyaan Jaceylka.
13- Subax Kasta marka uu shaqada aadayo u xir galuusaha shaatiigisa iyo sidoo kale kabahiisa, xitaa kabaha u baalashee, una mari barafuunka aad adiga u soo gaday.
14- Ha eedayn ninkaaga, xitaa haddii uu qalad ka dhaco, ileyn Bani’aadamku waa qaldamaa,
15- Wanaaji ehelkiisa iyo dhammaan asxaabtiisa gaarka ah.
Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>