SANAD BAAN KU SALUUGEY!!! DHACDO DHAB AH.

Rajada Mugdiga gashey beer gooyo weynaa, kalsoonida xumaata waa mid dhib badan, Caashaqa shakiga galana Caloolyow iyo calaacal badanaa.

Muddo sanad ah kadib xiriirkeenii Jacayl waxa uu sii galayaa mugdi, waxaa sii lumeysa iftiinkii rajada ee aan ku abuuri lahayn guri lagu nasto iyo nolol cusub.

Waxa uu u muuqdaa mid ka guurey beertii Jacayl ee aan wada astaysaney, taas oo u baahneyd in aan si wadajir ah u waraabino, hase yeeshee uu isagu iloobey, haddeerna u baabi’ rabta oon (Haraad) iyo hanfi kulul oo hareeyey, kadib markii ay gurmad weysay iyada oo maanta taagan cidla ciirsi.

Si rajadeena iyo wada socodkeenu uu u noqdo mid waara waa in aad ka digtoonaataa dhowrkan arrimood kuwaasoo runtii caqabad ku ah iftiinkeena jacayl, Carradda badan, walwalka, ficil qalafsanaantaada, khalkhal nololeedka, tiiraanyada badan, tabasho aan qiil loo heyn, hujuumida (Weerarka) joogtada ah, abaal ka dhaca, Shakiga iyo ilowshaha wanaaga ay naftu kuu heyso.

Ugu danbeyntii haddii aadan sidan u dhaamin oo aan la soo nooleyn rajada luntey ee qanaca ku dhow waxaa meesha kabixi Cishqigii aan sacabada ku wadney kaas oo aan Sanad ku Saluugey. 

W/Qoray: Maxamed Faarax Duurgal.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,057 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>