SACUUDIGA OO MARKII UGU HORREYSAY XIL U MAGACAABAY QOF DUMAR AH

Dowladda Sacuudiga oo bilowday inay ahmiyad siiso dumarka ayaa markii ugu horreysay xil u magacday qof dumar ah.

Amiiradda Riima Bintu Bandar ayay dowladda Sacuudiga u magacowday danjiraha Sacuudiga u fadhinaya dalka Maraykanka, waxayna noqoneysaa haweenaydii ugu horeysay ee boqortooyadu xil danjirenimo u magacawdo.

Amiirad Riima waxay qayb ka mid ah caruurnimadeedii ku qaadatay Washington oo ay ku kortay, iyadoo xilkan qabanaysa xilli adaga oo Sucuudigu isku dayeyeyo inuu dejiyo caradii heerka caalami ahayd ee ka dhalatay geeridii weriye Jamaal Khashoqji.

Amiirad Riima waxay xilka kala wareegi doontaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada walaalkii oo ka yar, Amiir Khaalid Bin Salmaan, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga, iyadoo aabaheed uu idoo kale mar soo noqday danjireha Sucuudga u fadhiya Maraykanka 1983 ilaa 2005.

Amiiradda waxay dad badani u arkaan in ay tahay qof xuquuqda haweenka uga doodda dal badanaa lagu dhaliilo heerka sinnaan la’aanta labka iyo dheddiga.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>