SAAMAYNTA AY SHIISHADU KU LEEDAHAY CAAFIMAADKA BANI’AADAMKA.

Nasiib darro, waayadaan dambe waxaa bulshadeena kusoo badaneyso isticmaalka Shiishadda ama Hookah hadba sida aad u taqaan. Dhallinyaro badan oo Somaaliyeed ayaa ku qaldantay oo misane lagu qalday Shiishada. Qaar ka mid ah dhallintaas ayaa ku dooddaan in Shiishaddu aysan caafimaadka dhib ku ahayn, halka qaar kalena ay ku doodayaan in Shiishaddu ay Xalaal tahay.

Hadabba, maqaalkaan ugama hadli doono Xalaal iyo Xaaraam Shiishaddu waxa ay tahay, balse waxaan ku lafo guri doonaa saameynta ay cabista Shiishadu ku yeelan karto caafimaadka qofka caba iyo qofka ka ag dhaw. Diinteenna Suuban waxay ilaalisaa caqliga iyo caafimaadka bani’aadamka, taasoo ka dhigeesa in wax walba oo maanka dooriya ama halis ku ah caafimaadka ay Xaaraam noqoneyso.

Waa maxay Shiishaddu:

Shiishaddu, waa dhuumo biyood loo isticmaalo in lagu dhuuqo tubaako lagu laray (qasay) mirro sida: Tufaax, Qarre, Qunbe iyo wixii la mid ah.. Magacyada kale ee Shiishadda waxaa ka mid ah: Hookah, Narghile, iyo Hubble-bubble. Shiishadda waxaa loo cabaa si koox ah, oo hal dhuun ayey wadaagaan tirro dad ah.

Shiishaddu ka Fog Fayoqab:

Dad badan ayaa mooda in Shiishadu ka halis yartahay Sigaarka caadiga ah balse baaritaanno la sameeyay ayaa cadeeyay inay ka wax yeelo badantahay sigaarka. Halka dad kale ay ku dooddaan in Shiishada lagu darsan karo macmacaan (Flavors), balse baaritaanno cilmiyeed ayaa xaqiijiyay in mar kasta ay halistii sunta Carbon Monoxide iyo doroogooyinka kaleba aysan meesha ka baxayn.

Dhuxusha lagu shiddo, ama lagu qiiqiyo Shiishadda waxaa ku jiro sunta Carbon Monoxide. Carbon monoxide waa sun gaas ah oo aan dhadhan, midib iyo carafba laheyn oo qofku waxyeelo baahsan oo caafimaad ah soo gaarsiin karto hadii uu neef ahaan u qaato. Sidoo kale, dhuxushaas lagu shido Shiishada waxaa ku jiro Kiimikooyin halis ku caafimaadka noolaha. Haduu qiicaas soo dhax maro biyaha ama dareeraha sida flavors-ka ku dhax jiro dhuunta shiishada, weli saameynta suntaas waa ay sii jirtaa.

Shiishadu waxay sababi kartaa Kaankarooyinka (Cancers) kala gadisan. Kaankarooyinka ay Shiishaddu sababi karto waxaa ka mid ah kuwa ku dhaco Sambabka, Kaadi-heysta iyo Xubnaha hadalka. Kaankarada waa cudur halis badan oo la tacaalid mooyee wali daawo rasmi ah aan loo hayn. Kaankarada Sambabka ku dhacda waa midka loogu dhimasho badanyahay marka loo eego kaankarooyinka kale oo idil. Waxa uu sanadkii dilaa ku dhawaad 2 (labo) Malyuun oo qof. Qofka Shiishada ama Sigaarka dhuuqaa waxa uu 23 jibaar uga fursad badanyahay qofka aan dhuuqin inuu ku dhaco Kaankarada Sambabka.

Tubaakada ku jirta Hookah, waxay kaloo sababi kartaa in dhiig marreenadu xirmaan (Clogged Arteries) taasoo horseedi karta cuddurada wadnaha ku dhaca.

Dhuunta laga dhuuqo Shiishadda, ayaa ah mid dad badan ay wadaagaan, taasoo si fudud u horseedi karta cudduradda candhuufta lagu kala qaado (sida Qaaxada), maadaama ay macquul tahay in qofka aad la wadaageyso uu jirranyahay. Sidoo kale Ilmaha ay dhalaan haweenka Shiishadda dhuuqo, ayaa ah kuwa ku dhasho ayagoo ka miisaan hooseeya kuwa ay dhallaan haweenka aan isticmaalin shiishaada, iyadoo ilmahaase ay halis ugu jiraan xannuunada ku dhaco hawo mareenada.

Dadka ka ag dhow goobbaha Shiishadda lagu dhuuqo, ayaa iyaguna sidaa oo kale halis ugu jiro xanuunada kor ku xusan, waxay qaadanayaan neef ahaan Dorroogada Nicotine iyadoo ay intaas u sii dheertahay qaaca tirrada badan ee kasoo baxa dhuumaha Shiishada.

Shiishadda iyo Sigaarka:

Dad badani way fahansanyihiin halista uu sigaarku ku leeyahay caafimaadka noolaha, balse nasiib darro lama fahansano in waxyeelada Shiishadu ay ka darrantahay ama ugu yaraan ay la egtahay tan sigaarku ku leeyahay jirka bani’aadamka. Hadaba waxaa halkaan ku soo koobi doonaa is bar-bardhigga Shiishadda iyo sigaarka.

Dhuumaha shiishadda laga dhuuqo waxay soo gudbiyaan Dorroogada loo yaqaano Nicotine oo tubaakada ku jirta, si la mid ah ama ka badan sida uu sigaarku usoo gudbiyo. Sidoo kale, tubaakada Shiishada waxaa loo gubaa ama loo shiddaa si ka daran sida sigaarka loo shido, iyadoo ay soo dayneyso Qiic ama Uuro ka badan midka sigaarka caadiga ah uu soo daayo.

Hadaba, celcelis ahaan qofka wuxuu dhuuqaa Shiishada hal saac iyo wixii ka badan. Halkii saac waxuu celcelis ahaan dhuuqaa ilaa 200 oo jeer. Dhinaca kale xabbadkii sigaarka waxaa celcelis ahaan la dhuuqaa 20 jeer. Tani waxay ka dhigantahay in qofka Shiishadda, hal mar u fariista uu cabo ilaa iyo 10 xabo oo sigaar ah. waad qiyaasi kartaa kolka in dhuuqista Shiishadu ay la halis egtahay ama ka halis badantahay cabista sigaarka.

Uurada ama qiica shiishadda, saameeyntiisu aad ayey u badantahay. Celcelis ahaan halkii jeer uu qofka u fariisto Shiishad wuxuu qaataa ilaa iyo 90,000 Milliliter (90 Liter) oo qiic ama uuro ah. Halkaas waxaad ka qiyaasi kartaa saameynta ay 90 Liter oo qaac ah ku yeelan karto caafimaadka bani’aadamka.

Gunaanad:

Macluumaadka kor ku xusan, dhamaantood waa baaritaanno cilmiyeesan oo lagu sameeyay saameynta ay Shiishaddu ku leedahay caafimaadka aadanaha. Sida aad kor kasoo aqriseen, Shiishaddu halis weyn ayey ku tahay caafimaadkeena. waxay sababi kartaa xanuuno isagu jiro kuwo la daawayn karo iyo kuwo aanan daawo lahayn.

Qeybo badan oo Kaankarada (Cancer) ka mid ah ayey shiishadu sababtaa. Haddaba qiil ama marmarsiinyo hadey kuu ahayd in shiishadu aysan waxyeelo ku lahayn caafimaadka, maanta ayaad ogaatay saameynteeda ee go’aanso inaad iska jarto ama joojiso, hadii aad isticmaali jirtay.

W/Diyaariyey: Ismaaciil Faarax,

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>