RUBAC QARNI KADIB AYEY HESHAY JACEYLKEEDII AY ILOOBI WEYDEY (QAYBTII 9-AAD).

Suldaan Waxa uu ahaa mid aad u Jecel Xaaskiisa, Waxa uuna ugu yeeri jirey Magacyo badan oo Xambaarsan Xubi islamarkaana uu Ka dhex muuqdo Jaceyl iyo Kalgacal dhab ah.

Inkasta oo ay jireen Magacyo tilmaamaya jaceylka runta ah oo uu ugu yeeri jirey, haddana waxaa jirey Magac uusan marnaba afkiisa kadaali jirin, oo uu ugu yeero, waa Magacii Aabaheed ee Cabdiqaadir Waxa uuna dhihi jirey. “Cabdiqaadireey”.

Suleekha ayada oo Xasuusan Magaca Qiimaha badan ee uu ugu yeeri jirey sidoo kalana ka dhiganeysa Xasuus aan la illoobi karin ayaa Waxaa ay u bixisey wiilkeedii Magicii uu ugu yeeri jirey Suldaan, sidoo kalana Aabaheed lagu Magacaabo.

Suldaan aad ayuu ugu farxay in magacii uu Jeclaa ay u bixiso Wiilkiisa, waxa uuna ku amaaney Suleekha in ay abuurayso arimo mudan in la Xasuusto oo aan la iloobin.

Waloow uusan Wiilkiisa ka hayn Muuqaal iyo cod marka laga reebo Sawir, haddana waxa uu u hayey Jaceyl Waalidnimo oo aan yareyn, waxa uuna u tiriyey tixdan hoos ku qoran: Cadkii aan Dhaloo Casiis Iga Beerey Hadduu Caawa Dhabta Hooyadii ku Caweynaayo Ana Aan Codkii iyo Catoowgii Heeyn Soo Ciil iyo Calool Xumo Ma Aha?.

Suldaan aad ayuu u Jecelyahay Wiilkiisa yar waxa uuna mar walba ku fekaraa siddii uu meel ugula noolaan lahaa, isaga oo aaminsanaa in ay mar un ka Soo fakanayaan Daruufaha Waayaha ee kala Qoqobay, Waxa uuna isku dhiiri galin jirey in uu Samirka Kaashado.

La Soco Qaybta 10 aad todobaadka dambe “Insha Allaah”.

W/Qoray: Qoraa Sare Mohamed Farah Duurgal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>