RUBAC QARNI KADIB AYEY HESHAY JACEYLKEEDII AY ILOOBI WEYDEY. (QAYBTII 3-AAD).

Laga bartaa laga badiyey ayaan maqli jirey ee Suldaan ayaaba kadaran Suleekha oo Cishqiga uga horeysey. Maanta waxa uu u muuqdaa mid uu Jaceylku si weyn u Saameeyey, hami Kalgacal, iyo Xusuus Caashaq oo si talantaali ah ugu soo dhaceysa Qalbigiisa ayaa ka dhigey mid Ciriiri nololeed galey, mar haddii ay Jaceylkiisii ku kala noolyihiin labo Qaaradood oo Kala fog.

Kulankii Miqdisho iyo Ubixii Dilaacey ee beerey Kalgacal macaan badan ee ku yimid Himiladii ay lahaayeen iyo Hanashada rajadii uu inbadan u mohdey, uuna ku duceysan jirey in Illaahay ku garab galo marka uu dib u milicsado waxaa ku sii kordhayey, xubi ku baahey badankiisa iyo laabta, waxaana dibnihiisa ka soo burqnayey tixdan muujineysa Jaceyl Niyada iyo Qalbiga Fadhiya.

“Ruux Aad Haybineysoo Hiigsaneysey Waayo U Qabtey Hamuunoo Hiyigaagu Raacey Kolkaad Haleeshoo Hab Ku Saartey Laabtoo Sida Hooyo Ubadkeed Haanyihii iigu riyaaqdey Waa Taan Hooy Yagleelney Hanaqaad Jaceylkii Dhabtii U Soo Hayaanto Aan u Wacad Galey Habooney”.

Marka uu Farxada Jaceylka ee uu hantey ay naftu filim ahaan ugu daarto ee uu galo riyaaq iyo rajo wanaag dhisa niyadiisa…waxaa haddana ka soo dhexgalayey shaki cabsi wata oo ku Saabsanaa Khilaaf yar oo soo kala dhex galey intii ayna dhoofin.

Khilaafkaa ayaa yimid kadib markii Suleekha walaasheed oo daganey Xaafada Kaasabalbalaare (KBB) agagaarkii Carwada Qaranka oo ay ku soo degtey ay ka shaqeysey sidii ay u kala furi lahayd Lamaanahan Jaceylka weyn isu qaba ee isaga yimid Qaaradaha kala fog si ay isu guursadaan.

Waxa ayna ku dirtey Wiilkeedii weynaa ee la socdey oo aan arimahaas waxba ka ogeyn iyada oo u sheegtey in ay hooyadiis Iswidhen uga timid Suldaan oo ay Jeceshahay haddana ay ismehersadeen. Taasina waxa ay sababtey in wiilkii iyo hooyadii ay isku dhacaan, kaas oo habarta u Sheegey in uusan marnaba ogolaaneyn in hooyadiis uu nin kale qabo oo Naag u ahaato. Wiilku Xanaaq iyo buuq ayuu habartii kala dhamaan waayey iyada oo ay ku soo direysey Habaryartii.

Suleekha markii ay u adkeysan weydey Culeyska soo fuuley ayey u Sheegtey Suldaan, iyada oo u Xaqiijisey in arinta ay ka danbayso walaasheed oo ay Sheegtey in ayna rabin guurkooda. Suleekha waxa ay joogteysey Calaacalka ay u gudbineyso, Suldaan iyo u sharxida Culeysyada ku sii badanaya ee Cadaadiska lagu saarayo in ay iska furto Suldaan, taas oo xustey in ayna Seexan habeen iyo maalin fikirka ay arintaasi ku hayso. Suldaan oo aad uga walwalsan dhibka ku soo kordhey Xaaskiisa uu jecelyahay, kana fikiraya in ay hesho Farxada nafteeda ayaa ugu Jawaabey. “Noloshayda ma jecli wax ku dhiba….ee haddii mushkilada xalinteeda aniga igu xiran tahay diyaar baan u ahay in aan ku furo, aniga oo dhibka kuu diidaya…Nafta aan adduunka u Jeclahayna..dhibaatada ka badbaadinaya”.

Markii uu Suldaan hadalkaa dhameeyey ilin ayaa ka soo dareertey labadeeda indhood waxa ayna ugu Jawaabtey iyada oo Oynaysa. “Ma ogtahay in aan Caruurteydii dartaa uga soo tagey?!!…. Ma ogtahay in Shaqadeydii iyo Danteydii aan adiga dartaa uga imid?!!!…” Suldaan oo isna dhankiisa bilaabey Oohin Caashaq ayna Ka soo daadatey Indhihiisa ilin Jaceyl ayaa ugu Jawaabey.

“Suleekha anigu waan ku Jeclahay, mana rabo in aan ku furo….waxaase hadalkaa iga Keenay dhibka ay kugu hayaan Walaashaa iyo Wiilkaaga.” Suleekha oo Oohintii iyo ilintii Jaceylka ka sii dartey ayaa tiri. “Kan anigaa dhaley ee isagu ima dhalin ee Kitaab ii mar in aadan i fureyn….mar danbana aadan i dhahayn Kalmada Furida ee Qalbiga iyo Beerka i gubtey”.

Suldaan aad ayuu uga Xumaadey, wuuna ka shalaayey erayga furiinka ee ka soo fakadey, waxa uuna isu arkey nin ku yiri kalmad qalbi jab ah, ruux Jaceyl run ah u qaadeyna uusan ka mudneyn, wax xuna in ay tahay erey loo quuro qof kuu dhaxay waa uu garwaaqdsadey… Asaga oo walwalkaa shalaytada ay ku jirto ee khaladka uu ka galey ay Maskaxdiisu soo celcelinayso ayey ku soo dhacdey, habeen ay u Sheegtey in ay Uur u leedahay oo ay Walaceyso… Waa uu isciil kaambiyey, waxa uuna ogaadey in Xaaskiisa uu dhib weyn haysto.. Xanuunkii walaca iyo madaxwareerkii uu Uurku ku hayey ay ugu Sii darmatey buuqa ay ku hayaan dadkan aan isu rabin guurkooda..

La Soco Qaybta 4aad.

W.Q: Mohamed Farah Duurgal.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

235 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>