RUBAC QARNI KADIB AYEY HESHAY JACEYLKEEDII AY ILOOBI WEYDEY (QAYBTII 2AAD QISO DHAB AH).

Qaybta Sheekadan Waxaan uga Soo hormariney Wakhtigii balanta Codsiyo fara badan oo inooga kala yimid qeybaha kala duwan Akhristayaasha shabakadda Aayahanolosha.net.

Sheekada Khadka oo dhalisey Jaceyl baaxad leh, waxa ay ahayd mid joogta ah. Suldaan Isagu wuxuu ku suganyahay Magaalada Muqdisho iyo Xaafadii Wardhiigley oo Wali guryahoodu isku ag yaaliin, isaga oo taasi ay ku sii abuurtey Xusuus dheer oo ku Saabsan Waayo…Waayo.. Barisamaadkii markii uu Magaalada Muqdisho ku dhex Wareejin jirey…Kaligii ayaa iska Fariista Jardiinooyin Xaafada ah oo ay Habeenkii ku Nasan jireen Marka ay Kasoo daalaan Wareega, iyaga oo Badanaa raadsan jirey sida TipTop Jalaato,Jalaato Asad iyo Macmacaan kale.

Xusuusahaas kulul ayaa Qalbigiisa kabixi waayey waxa uuna Ku Shalaayey “Sow kuuma Fiicnaan lahayn hadaad ogaan lahayd, in Waagaa ay ku Jeceshahay inta aad iska daba Socsoctey oo soo daalayseen”.

Hadalada aan kala go,lahayn ee xambaarsanaa Kalgacalka labadoodaba sida siman u dhex xuley ayaa Caado u noqotey habeen iyo maalinba, waxaana ka abuurmey Caashaq aan la qiyaasi karin, Cishqi uusan jirin wax lagu Matalo, Kaas oo u xambaariyey rabitaan keeney in ay isu Hiloobaan islamrkaana Sababey xiiso weyn oo in ay is arkaan ah.

Xubigan aan dabciska lahayn ayaa sii macaaneeyey Hiloowga ay u qabaan In si run ah ay gacmahooda isugu Salaamaan islamarkaana ay isweydaarsadaan Dhunkasho dhab ah oo Xambaarsan Caashaq ku barbaarey Masaafe kala fog.

Waxa ay noloshaa Macaan ee kutimid Kalgacalka raaxada galiyey maankooda ku jiraanba, Suleekha ayaa u Sheegtey in ay U imaaneyso Suldaan 3da juun 2016kii oo ay ka soo degi Magaalada Muqdisho, si ay nolol u wadaagaan guur xalaal ahna u dhexmaro.

Warkaasi Suldaan aad ayuu ula dhacay waxaana Saaqdey Farxad aan la qiyaasi karin, waxa uu hubiyey in maanta uu taabo galey Cishqigii uu niyeystey, Guushii jacaylkana ay Gacanta ugu jirto oo uu Suleekha la wadaagi Guur xalaal ah iyo Xubi ku dheehan dareen Caashaq oo run ah kaas oo ku yimid rabitaan aan xad lahayn oo uu u qaadey Suleekha… Sida ay Sheegteyba wakhtigii la filayey ayey Suleekha ka soo degtey Garoonka Aaden Cade ee Caalamiga ah Magaalada Muqdisho Maalintii ay tilmaantey iyada oo uu Safarkeeda ku Weheliyey Wiilkeeda Weyn oo 20 jir ahaa, balse Maalintaa waxaa soo degayey Wafuud Caalami ah Wadooyinkuna waa Xirnaayeen, iyada oo ay ku kaliftey in ay Soo lugeyso ilaa KM4 maadama ay aad u daneyneysay aragtida Jacaylkeeda ay qaarada isaga soo kala gooshtey.

Laba Maalin markii ay dhexmareysay Sheeko Jaceyl oo ku dhisneyd xiiso iyo Kalgacal Maaxdey oo salka ku hayey Xubi abuurey guur raaxo leh, ayaa ay is mehersadeen 5Juun 2016kii, guur xalaal ah ayaa dhexmarey, Cishqi Gaamurey iyo rajo Caashaq oo Wakhti badan soo Jirtey ayaa rumoowdey.

Lamaane Caashaq run ah wadaagey ayey ahaayeen, Suleekha 45maalmood ayey la Joogtey Xabiibkeeda Suldaan kadibna dib ayey ugu noqotey Dalkii Iswiidhen ee ay ka Timid inkastoo ay ku hakatey Dalka Turkiga oo ay Tnasit ku ahayd.

La Soco Qaybta 3-aad Todobaadka Dambe.

W.Q. Mohamed Farah Duurgal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

306 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>