RUBAC QARNI KADIB AYEY HESHAY JACEYLKEEDII AY ILOOBI WEYDAY (QISO DHAB AH).

Waxay ahaayeen Wiil iyo Gabar daris ah oo kuwada noolaa Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho xilligii beri Samaadkii.

1989-kii Suleekha mar walba oo ay rabto in ay meel gaarto, waxa ay ka Codsan jirtey in uu raaco Suldaan si uu u waheliyo, waxa ayna Jeclayd in uu ku lamaanyahay.

Suleekha wiilka ay Dariska yihiin ee Suldaan Jaceyl run ah ayey u qaadey balse isagu ma ogeyn, oo walaalnimo iyo Darisnimo ayuu ula socdey.

Iyada oo wada Socodkoodu uu sidaa joogto u ahaa Suleekhana ay dareemayso Cishqi aad u Culus, balse uu Suldaan Khabaar Moog ka yahay ayaa Dagaaladii Sokeeye ay Qarxeen.

Suldaan waxa uu u qaxay mid kamid ah dalalka Carabta halka Suleekha ay u qaxdey dalka Kenya, waxayna halka ku guursatey nin u rarey Dalka Sweden kaas oo ay u dhashay Shan Caruur ah inkastoo ay markii dambe kala tageen.

Iyada oo Suleekha iyo Suldaan ay kala war la’yihiin Muddo Rubac qarni ah, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa Dalka Canada lagu diley Wiil uu Suldaan Abtigii dhaley, waxa uuna uga tacsiyeeyey bartiisa Facebook-ga waxaana aragtey Suleekha.

Waxa ay sheegtey in dareen Culus ay lakulantey, Xasuus horena ay ku soo dhacday ayadoo uurku rogmadey.

Suleekha ayaa la tashatey Saxiibadeed oo ay u Sheegtay in ay heshay qof ay wakhti badan raadineysay aadna u Jeclayd, waxaana lagula Taliyey in ay la hadasho, Jaceylkeedana u Sheegato.

Waxayna Markii ugu horeysay Sheeko Jaceyl dhexmartey Suleekha iyo Suldaan Agoosto 2015kii…Suleekha waxa ay Suldaan weydiisey in Xaas iyo Caruur uu leeyahay waxa uuna u Sheegay in uusan Wali Guursan….Suleekh oo warkaa ku faraxsanayd ayaa xoogaa aamustey.

Suldaan oo is dhiiri galinaya ayaana ku yiri,  “Yaa iga kaa xiga hadda?”, Maadama uu dareemay in ay daneyneyso balse Xishood dumar uu hayo, Waxa ayna markiib la soo boodey, “Ma adiga ayaa i Jacel”, Iyada oo sii raacisey”, aniga ayaa ku jecel oo ku soo raadiyey”.

Wixii maalintaa ka danbeeyeyna Suleekha habeen iyo Maalin Suldaan ayey Khadka kula Sheekaysan jirtey…marka uu ka yaabey hurdo la’aanteeda maadama ay Maalintii Shaqeyso ayuu ku yiri, “Abaayo seexo shaqo ayaad bari leedahay ee”, balse Suleekha waa ay ka Xanaaqi jirtey iyada oo rabta Habeenka oo dhan in Sheekadu u Socoto.

Sheekadii Joogtada ahayd waxa ay Keentay in Jaceylkoodu uu noqdo Mid labadoodaba kubaaha, waxa ayna Si iskumid ah u qaadeen, Kalgacalkii ay Suleekha ku horeysay iyada oo Xubi dhab ah uu wada haleelay, dareensidayaasha Caashaqa ee jirkooda…Cishqigaas oo raacay Halbowlayaasha Dhiiga qaada oo geeyey Wadnaha, Beerka iyo Unugyada u Nugul Jacayelka runta ah.

La Soco Qaybta 2-aad Todobaadka Danbe Qisadan oo ah Mid Si dhab ah u Dhacdey

W.Q. Mohamed Farah Duurgal.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

235 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>