RAGGA XAASASKOODA DILA OO SOO BADANAYA

Ninkii labaad ee Soomaali ah oo xaaskiisa ku dila gudaha dalka Mareykanka ayaa la sheegayaa in Boolisku ay gacanta ku soo dhigeen isagoo markii su’aallo la weydiiyayna qirtay dilka xaaskiisa.

Ninkan Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdiqaadir ayaa 21-sano jir ah, waxaana lagu xiray gobolka Arkansas ee dalka Mareykanka,  kaddib markii uu qirtay dilka xaaskiisa.

Booliska ayaa sheegay in  ay qabteen maalintii Sabtida ahayd, kadib markii ay su’aalo weydiiyeena waxa uu Cabdiqaadir shaaca ka qaaday in xaaskiisa laga yaabo inay tahay mayd ayna taallo gurigooda.

Booliska Henderson ayaa tagay guriga qoyskan ay daganaayeen oo ku yaalla magaalada Kentucky, waxa ayna heleen maydka xaaskiisa oo ku jira qaanad gudaheeda.

Cabdiqaadir ayaa lagu helay caddaymo ku saabsan inuu gabadha soo gaarsiiyay dhaawacyo sababay iney geeriyooto.

Ninkan ayaa waxa uu daryeelayay ilmo 9 bilood jir ah xilligii xabsiga loo taxaabayey. Ilmaha ayaa hadda waxa gacanta ku haya waaxda arrimaha daryeelka carruurta ee Arkansas.

Kol sii horreysay oo isla sanadkan gudhiisa ah ayay aheyd markii gobolka California laga helay meydka haweeney Soomaali ah la tuhunsan yahay inuu dilay saygeeda oo baxsaday, kaasoo Boolisku ay baadigoobayaan.

Gudaha dalka Soomaaliyana dhowr dhacdo oo noocan ah ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka dhacayay, waxaana soo badanaya ragga dilalka u geysta Xaasaskooda, kadib marka ay is khilaafaan ama ragga bqaarba ay ka maseyrsaan xaasaskooda.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>