QORAAGII SHEEKADII MEYD IYO MASHXARAD!!!.

Nuux Cabdi Absuge oo ah Shaqsi aan wax wada qori jirney Wakhtigii barisamaadkii ayaan galabta kuwada Shaahney Makhaayada Soomaali Weyn ee Nakivali Dalka Uganda.

Nuux Absuge Waxaa na dhex martey Sheeko Xiiso leh oo ku saabsaneyd Waayo waayo. Absuge waxa aan Weydiiyey waxa uu ka Xasuusto Sheekooyinkii uu Qorey.

Waxa uu sheegey in uu aad u Xasuusto Qisadii la Magac baxdey “Meyd iyo Mashxarad’ taas oo uu Xusey in uusan Waligii iloobeynin. Sidoo kale ayaana Weydiiyey waxa ay ku Saabsaneyd Sheekadaasi waxa uuna yiri ” Waxa ay ka hadleysay Caadada xun ee dadka Soomaalida ah qaarkood ay aaminsanaayeen, Sida Gabdhaha Dhasha bil Saddexda, iyo Shan u yarta kuwaas oo ay ka aaminsanaayeen in ay yihiin kuwo Nasiib xun, gabadha dhalata bil Saddexda waxa ay qabeen in Saddex nin ay ka dhimanayaan” Waxa uuna intaa ku Darey Qoraa Absuge in Sheekada Buuggaas ay dadka ka Wacyi gelineysay Dhaqankaas xun iyo in aan qofka lagu takoorin ama aan lagu nicin Maalinta uu Dhashey.

Absuge oo sii adkeynayey Hadalkiisa ayaa ku darey “Sida ay Soomaalidu u aaminsaneyd Caadadaas Xun waxa ay ku maahmaahi jireen Shan Sabtaale Gu’eed iyo Shan u yar Naageedba Shar baa lagu Sheegay” Absuge Waa Qoraa bulshada si weyn ugu dhex milan, waxa uuna ka wacyigeliyaa Caadooyinka xun-xun isaga oo mar walba ku dhiiri geliya Dhaqanka Wanaagsan iyo Nabada.

Nuux Cabdi Absuge Waa Qoraaga Keliya ee aan Meel kuwada Noolnahay, waxa uu ka soo jeeda Qoys Saxaafada lagu yaqaano isaga oo la dhashay Allaha u Naxariisto ee Wariyaashii kala ahaa Cawil Axmed Absuge oo dadka badankoodu u yaqaaneen, Cawil Daahir Salaad iyo Xasan Yuusuf Absuge oo labaduba lagu diley Magaalada Muqdisho.

Nuux Cabdi Absuge oo ah Qoraa Sheekooyinkiisa la Jecelyahay ayaan Qormooyinkiisa idinkula Wadaagi doona Warsidayaasha TAXANE iyo AAYAHANOLOSHA.NET insha allaah.

 

W/Qoray:- Mohamed Farah Duurgal.

Uganda-Kambala.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>