QORAA DUURGAL OO WARBIXIN XIISO LEH KA DIYAARIYEY SUUGAANYAHAN CAAN KA AH GAYIGA SOOMAALIYA.

Cabdisataar Sheekh Maxamed oo ahaa Suugaanyahan ka soo baxay Dugsigii sare ee Badda ayaa iiga waramey hal abuurkiisii xiligaa.

Dowladii dhexe waxay burburtey Cabdisataar oo ku jira sanadkii ugu danbeeyey ee waxbarashadiisii Jaamacada Ummadda.

Cabdisataar oo iiga sheekeeyey hal abuurkiisa Suugaanimo ayaa ii soo bandhigey Maansooyin kala duwan oo isugu jirey heeso, gabayo iyo xitaa buraanbur oo ka koobnaa Wadani iyo jaceylba.

Cabdisataar waxa uu sheegay in uu Dugsiga sare ee badda uu u sameyn jirey Suugaanta marka uu dugsigooda ka qayb galayo bandhig faneedyadii dhexmari jirey dugsiyada sare iyo macadyada la sinaa, waxa uuna ahaa shaqsi ku caanbaxay suugaanta isaga oo sabab u ahaa sida uu sheegay tartamo ay guulo ka keeneen ardeyda Dugsigooda

Cabdisataar maadama uu markaa dhalinyaro ahaa suugaantiisa kama marneyn Jaceyl waxana ka mid ahaa maansooyinkiisii midan oo uu ku hal qabsanayo gabadh Taan la oran jirey.

Marka aan tacliintiyo
Casharada tagtubayana
Waan ka kala tagaayoo
Sooma wada taswiiree.
Waxa aan la taahee
Had iyo jeer ku taamaa
Naftu iiga tageysaa
Taaneey adiga weeyee
Goormaad i tabeysaa
Ila toosin caashaqa
Tabaalada i haysana iga taakuleysaa.

Cabdisataar Sheekh Maxamed ma yareen suugaanta uu maanta ii soo bandhigey waxaana jira kuwo badan oo uu ka tiriyey wakhtiga uu dalku burburka ku jirey isaga oo bulshada ku wacyigelinaya nabada iyo wanaaga Dowladnimada walaalnimada iyo heshiiska isaga oo ugu baaqaya in ay nabada taageeraan.

Cabdisataar waxa uu ii sheegay in intii uu dugsiga sare ee badda uu u sameynayey Suugaanta mar lagu qabsadey gabey uu lahaa kaas oo loo maleeyey in uu tiriyey Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxaana baaris sameeyey gudigii qiimeynta tartanka kuwaas oo markii dambe soo ogaadey in gabeygu uu yahay maskaxdii Cabdisataar halkaasna lagu siiyey abaal marin.

Mar aan waydiiyey bal in uu gabeygaa wax ka xasuustana waxa uu ii sheegay in erayadan uu ka mid ahaa:-

Arladaan gingimanee
Illaah gees walba u jiidey
Ayaa qoloba gaar looga dhigey
meel u gooniyehe
Geeskaa afriiqiya
Miyaa guule nagu beerey.

Cabdisataar ma aanan soo koobi karin heesaha iyo suugaantiisa waxaana jirtey hees uu tiriyey oo Raadyo Muqdisho ka baxdey taaa oo ay erayadeeda kamid aheyd.

Guulow Allahayooy
Gaban maayo maantee
Gobanimada wacan iyo
Gayigeyga iga maqan
Gacanteyda soo geli.

Cabdisataar wakhtigaas waxa uu ahaa dhalinyaro aad caan uga ahaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan ay garanayeen ardeyda kale ee Dugsiyada sare dhiganaysey ee ay isku heerka ahaayeen.

Cabdisataar xiligaa waan garanayey si fiicana waan isu naqaaney waxaana dhiganayey Dugsiga sare ee 15-ka May iyada oo aan hal mar wada dhameynay waxbarashada Dugsiga sare, anigu markaa waxaan ahaa Qoraa qoray buuggaag badan oo uu ka mid ahaa NABSI MAAL MA DAWEEYO!!!

Cabdisataar waxa aan kuwada noolnahay Nakivali dalka Uganda waxa uuna kamid yahay Masuuliyiinta Soomaalida Nakivali ee dalka Uganda.

Waxaan jeclahay in aan idinla wadaagi doono Suugaan badan oo uu leeyahay Cabdisataar kuwaas oo qaarkood uu kaga hadlayo dhibaatada Colaada iyo qiimaha ay leedahay nabadu.

Mohamed Farah Duurgal

Nakivali-Uganda.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>