QOFNA HA KU GEFIN (DHACDO RUN AH).

Cabdiraxmaan waxa uu ahaa ardey Iskuul oo 13 jir ah waxa uu la noolaa Aabihii oo Shaqaale Dowladeed ahaa, hooyadii waxa ay Xijaabatey isaga oo yar, Aabihii ayaana soo koriyey kaas oo guur meel iska dhigey ilaa uu wiilkiisa hanaqaado.

Cabdiraxmaan waxaa maskaxdiisa ka gu,i weyday oo raad madoow ku leh noloshiisa, maalin uu la kulmey arin aad u murugo galisey.

Cabdiraxmaan waxaa raashinka u karin jirey Aabihiis oo ay weel wax ku wada cuni jireen kaas oo ka fikira Wiilkiisa si uusan u tabin in uu hooyo la,aan yahay.
Habeen habeenada ka mid ah ayuu Aabihii ka soo dhaxay oo Shaqo culus qabsatey, Cabdiraxmaan maadama uu Ardey yar ahaa berrina uu imtaxaan u bilaabanayo waxa uu u soo farey in uusan Caawa imaan doonin, Sidaa darteed uu fiid hore seexdo oo uusan sugin, subixiina uu qureec u doonto Makhaayada Adeer Maxamuud oo ay Aabihii ilmo Adeer ahaayeen, una Sheego in uu lacagta isaga la Soo mari doono.

Cabdiraxmaan Aroor hore ayuu toosey waxa uuna isu diyaariyey iskuulkii maadama uu subaxaas lahaa imtaxaan Xisaab ah, markii casharo dhowr ah uu dib u fiirfiiriyey ayuu iridka ka soo baxay waxa uuna soo marey Makhaayadii uu Aabihii kala dardaarmey, inta fariistey ayuu dalbadey Qureec Canjeero iyo maraq wuu deg- dagdegayey ee markiiba inta uu dhameeyey cunadii ayuu soo istaagey maqalkii oo uu fadhiyey Adeerkii Maxamuud waxa uu yiri
” Adeer Xisaabtaan Cuney waxaa kula soo mari Aabo, isagaa sidaas u sheeg i yiri”.

Adeer Maxamuud isaga oo garanaya ayaa inta uu si xun u eegay yiri “War ha na Adeeraysan ee Aabahaa iyo waxa aad Sheegi ma naqaano ee lacagta na sii ama Kabaha ii Siib” 
Cabdiraxmaan oo gariiraraya ayaa kabihii iska siibey oo ag dhigey.
Adeer Maxamuud intaa kuma ekaan ee waxa uu sii daba dhigey ” Soo raaci Warqada iyo qalinka”
Markaa ayuu Cabdiraxmaan iska Ooyey oo ku calaacaley Alla Adeeroow Kabaha haddii aad doonto qaado ee Qalinka iyo Warqada ii dhaaf Imtaxaan ayaa galayaa ee”.

Odey Maxamuud oo Xanaaq ka muuqdo ayaa ku qayliyey ” Waryaa Oohin iyo Calaacal uma baahni ee lacagta keen ama reeb waxa aan dhig ku leeyahay oo Wajigeyga dhaaf”.

Oohintii iyo Calaacalkii ka baxayey oo uuna Damqaneynin Odeygii Adeerkii ahaa, waxaa u adkeysan waayey Xaashi Cali oo ahaa Maxamuud Saaxiibkii meeshana ka cunteynayey waa uu soo istaagey isaga oo careysan yirina ” Waryaa u celi Ardeyga Qalinka iyo waxa aad ka haysato, waxa aad ku leedahayna sheego aniga ayaa ku siin ee”.

Cabdiraxmaan intuu soo qaatey Qalinkii, warqadii iyo Kabihii ayuu Xaashi ku yiri ” Adeer aad ayaad u Mahadsantahay.
Aabihiis arintii markii uu maqley waa uu ka xumaadey, waxa uuna ku tilmaamey Odey Maxamuud Shaqsi aan Damiir bani,aadanimo iyo naxariis waalidnimo midna laheyn.

Cabdiraxmaan waxa uu Sii watey Waxbarashadiisii, waxa uuna Fursad waxbarasho ka helay Dalka Jarmalka kaas ku takhususey Xanuunada indhaha ku dhaca, Qaliinka iyo Daaweyntooda.

Intii uu halkaa ku maqnaa ayaa waxaa duntey Dowlidii dhexe ee u saamaxdey in uu deeq waxbarasho u aado Dalka Jarmalka, waxa uuna ku soo noqdey dalkii oo burbursan, Magaalada Muqdisho ayuuna ka furtey Rug Caafimaad oo Lagu baaro, sidoo kalena lagu qalo islamarkaana lagu daaweeyo Indhaha.

Maalin maalmaha kamid ah isaga oo ku jira shaqo maalmeedkiisa oo fadhiya goobtiisa Caafimaad ayaa waxaa loo keenay labo Odey oo la rabey in Indhaha loo fiiqo kuwaas oo la hagahayo.

Mid waxaa loo sheegay in uu adeerkii Maxamuud yahay oo aan laga xigin, kan kalena uu yahay Xaashi Cali oo aan isna laga xigin oo uu adeerkii saaxiib la yahay.

Waxaa kale oo ay u sheegeen dadkii wadey in aan lacag la hayn waxa loo soo aadeyna ay tahay Wiilnimo iyada oo laga codsadey in uu maanta u gurmado, waxa uu wax u soo barteyna ay tahay dadka iyo dalkiisa.

Cabdiraxmaan markiiba Xasuus dheer oo murugo leh ayuu galey, waxaa la horkeenay maalintii uu Odey Maxamuud kabaha ka siibey ee uu ka qaadey Qalinkii iyo warqadii uu Imtaxaanka ku geli lahaa.

Madaxa ayuu ruxey isaga oo qalbiga ka yiri ” lacag aan macno laheyn ayuu ku hor istaagi rabey aqoonta aan maanta ugu adeegayo”.

Markii uu arkey Xaashi Cali oo ahaa Odeygii lacagta ka bixiyey ayaa qalbigu degay, waxa uuna illaahey fursad u siiyey in uu gudo Abaalkii uu u galey dibna ay mar kale u kulmaan.

Go,aan fiican ayuu qaatey waxa uuna indhihii u fiiqey labadii Odey isaga oo si fiican u Soo dhaweeyey, hal qolna kaligood seexiyey, wixii kharash ee daawo ahaana isaga ayaa bixiyey.

Markii ay Caafimaadeen ee ay Indhahooda wax ku arkeen ayuu u yimid Cabdiraxmaan, waxa uuna u Sheegay in ay maanta Gurigiisa qado ku leeyihiin.

Gaarigiisii ayuu ku qaadey isaga oo geeyey gurigiisii, markii la qadeeyeyna Sheeko ayey isu soo hor fariisteen.

Iswareysi dheer kadib ayaa uu ogaadey Odey Maxamuud oo aan loo sheegin markii hore in uu yahay Wiilkii uu kabaha kabixiyey ee uu Xaashi Cali furtey, waa uuna uga tacsiyeeyey isaga oo wajigiisa murugo ka muuqato, waxa uu ka dalbadey Cafis, waxa uuna balanqaadey in uusan cid dambe dhibaateyn doonin tanina ay Cashar u tahay.

Xaashi isagu markii uu Ogaadey in uu yahay Wiilkii uu furtey Farxad ayuu la ilmeeyey, wuuna u bogey taageeradii uu maalintaas u fidiyey.
Xaashi Cali wuu u mahadnaqey Cabdiraxmaan sida Wanaagsan ee uu u dhaqmey una cafiyey isaga oo aan aarsaneynin, iyo soo dhaweeynta uu u fidiyey Adeerkiis.

Dadka qaar waxaa jira aan ku xisaabtamin sida adduunku berri isu badali karo oo gef iyo Dhibaato u geysta dadka Mustaqbalka hiigsanaya.kuwaas oo haddii ay markaa ku soo muteystaan adna aad berri hoos tegi karto.

Sheekadani waxa ay dhiiri gelineysaa is cafiska iyo in aan lakala aarsan, sidoo kalena aan Qofna Lagu Gefin.

W.Q. Nasro Osman Mohamed (Bahnaan).

AAYAHANOLOSHA.NET

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,057 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>