QOF DUMAR AH OO LOO MALAYNAYO INUU HAYO CAABUQA EBOLLA OO LAGU ARKAY….

Warar aan ka helnay dalka Kenya ayaa sheegaya in laamaha caafimaadka dalkaasi heegan midkii ugu hareeyey la geliyey, kagadaal markii deegaanka Kericho oo xad ahaan wadaagaan Ugandha lagu arkay qof dumar ah oo la malaynayo inuu hayo caabuqa Cudurka halista ah ee Ebolla.

Haweeneydan looga shakiyey cudurkan dilaaga ah ayaa la dhigay goob caafimaad markii laga helay calaamado muujiyayo cudurka, waxaana howsheeda caafimaad ku howlan saraakiisha caafimaadka dalka Kenya.

In kastoo aan la shaacin magaca haweeneydan hase yeeshee saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen inay ka timid deegaanka Malaba oo ay xadka wadaagaan dalalka Ugandha iyo Kenya.

Timothy Kemei oo ah madaxa xirriirka bulshada ismaamulka Kericho ayaa sheegay in ay waaxda caafimaadka ee maamulkaasi ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dheeraad ah oo ku saabsan la tacaalida dadka uu asiibay cudurka si looga hortago faa’fida cudurkaasi.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>