Inta la xaqiijiyay 12-qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay 10-neeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay albaabka hore maqaayad ku taala Muqdisho Mool Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo dhacay barqanimadii maanta ayaa waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada, mana jirto ilaa iyo hadda qaraxaasi cid sheegatay mas’uuliyadiisa.
Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ahaa Hooyo iyo wiilkeeda sida ay Wargeyska Aayahanolosha u xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa xiliga qaraxa uu dhacayay, sidoo kale waxaa ka mid ah dadka rayidka ee ku dhintay qaraxa wiil la sheegay inuu caseeye ahaa halkaasna u yimid siduu ku heli lahaa nolol maalmeedka qoyskiisa oo ku nool mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho.
In kastoo gurmadka wali uu socdo meydad hor lehna laga soo saarayo burburka dhismaha ayaa haddana waxa uu qaraxani qeyb ka yahay qaraxyada loo adeegsado baabuurta ee la dhigo hareeraya wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ay isugu yimaadaan dadka shacabka iyo mas’uuliyiin u shaqeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
AAYAHANOLOSHA.NET