Qalbi-dhagax oo muddo bilood xabsiga ku jiray ayaa habeen kahor safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la sii daayay ku tegay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qalbi dhagax oo waqti la qaadanaya qoyskiisa, Gabar iyo Wiil uu dhalayna garbaha ka heystaan, kuwaasoo aad ugu faraxsan sii deynta aabahood.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore Qalbi-Dhagax ku wareejisay dowladda Itoobiya, ficilkaas oo uu buuq badan ka dhashay, jacaylkii loo hayay madaxda dowladda Soomaaliyana hoos u dhigtaynay ayaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya siyaabo kala duwan oo is khilaafsan uga hadleen u dhiibistiisa Itoobiya, shacabka Soomaaliyeed badi kawada xumaadeen, iyadoo markii dambane Guddi baarlamaanka ka tirsan oo loo xil saaray soo baarista arrintiisana ay sheegeen in tallaabadaas ahayd mid qaldan.
Sii deynta Qalbi-Dhagax ayaa ku soo aadday xilli dalka Itoobiya ay ka socdaan isbadalo waaweyn oo siyaasadeed, isla markaasna xabsiga laga sii daayay xubno ka tirsanaa mucaaradka Itoobiya.
Aayahanolosha.net