POST LAGU DAABACAY FACEBOOK OO SABABAY IN LA XIRO WARIYE KA HOWLGALA MUQDISHO.

Wariye Cali Aadan Muumin oo ka howlgalla caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay warbaahinta uu ka howlgallayay ee Goobjoog Media waxaa xabsiga dhigaytay Hay’adda dambi baarista Soomaaliya.

Sida wararku ay sheegayaan Wariyaha ayaa ka hor inta aan lagu xirin xarunta CID-da waxaa la gaarsiiyay warbaahinta uu la shaqeynayay ee Goobjoog warqad loogu yeerayo inuu tago xarunta dambi baarista, iyadoo markii uu maanta tagay lagu wargeliyay inuu xiranyahay.

Qoyska wariyaha oo ku booqday halka uu ku xiranyahay ayaa sheegay inay dacwad ka soo gudbisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, maalinta Arbacada ahna maxkamad la horkeeni doono.

Cali Aadan Muumin, wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta baraha bulshada ku soo bandhiga dhacdooyinka Muqdisho, waxaana hadda warar la helayo ay sheegayaan in wasaaradda waxbarashada ay ku soo eedeysay warar uu ka baahiyay imtixaannadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee shalay dib u furmay.

Ma jirto warbixin ka soo baxday hay’adda CID-da oo lagu sharraxay eedeymaha loo heysto wariyaha.

“Goobjoog Media Group waxaa ay ka walaacsan tahay xaaladda weriyaha, waxaa ay codsaneysaa in hay’adda CID-da ay la wadaagto sababta rasmiga ah ee loo xiray, waxaa ayna sidoo kale dalbaneysaa sii-deyntiisa.” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta Goobjoog oo wariyaha uu ka howlgallayay.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>