NINKII BAXSADKA AHAA EE XAASKIISA KU DILAY MAREYKANKA OO LA SOO QABTAY

45 jir Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ku dilay magaalada San Diego ee wadanka Mareykanka xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Muna Kuri oo aheyd 36 sano jir ayaa lagu soo waramayaa in gacanta lagu soo dhigay.

Ninkan la soo qabtay ee xaaskiisa dilay oo lagu magacaabo C/casiis  Kerow ayaa lagu xiray dalka Panama sida uu Booliiska ka soo xigtay Telefishinka Fox5.

C/casiis oo ka baxsaday dalka Mareykanka markii uu xaaskiisa dilay ayaa dalka Panama oo uu safar ku tagay si uu uga soo tahriibo Booliska dalkaasi gacanta ku dhigeen.

Ninkan oo la soo qabtay 20-kii bishan ayaa waxaa maalinimadii shalay laga soo dajiyey dalka Mareykanka, waxaana la geeyay magaalada San Diego ee uu xaaskiisa ku dilay, waxaana la dhigay xabsi.

Waxaa lagu wadaa in marka la soo gabagabeeyo baaritaanka dilka uu u geystay xaaskiisa kadib sida ugu dhaqsida badan loo soo taago maxkamad.

Haweenayda uu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Muna Kuri, waxaana  meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaala magaalada San Diego ee gobolka California, dalka Mareykanka.

Haweeneydan oo da’deeda lagu sheegay 36 sano jir ayaa warkeeda la waayey muddo Todobaad ah, waxaana markii dambe meykeeda laga helay isla gurigii ay ku nooleyd, iyadoo dhaawacyo ay ka muuqdeen qaarka hore ee jirkeeda.

Saxaafadda Mareykanka ayaa sheegtay in Muna ay markeedii hore ka timid dalka Kenya, isla markaana ay ahayd qof dabeecad wanaagsan oo ka shaqeysa goob lagu xanaaneeyo carruurta.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>