NINKA DUNIDA UGU TAAJIRSAN OO XAASKIISA FURAYA

Ninka loo aqoonsaday inuu dunidan aan ku nool nahay ugu hanti badan yahay ayaa Xaaskiisa oo ay wada noolaayeen 25-sano furaya.

Jeff Bezos oo ah madaxa shirkadda qalabka elektarooniga ee Amazon ayaa xaaskiisa MacKenzie  furaya kadib markii khilaaf hareeyay ay xalin kari waayeen.

Lamaanayaashaa oo is guursaday sanadkii 1993-dii ayaa warka ku saabsan furriinkooda ugu dhawaaqay bayaan ay si wada jir ah Arbacadii u soo dhigeen barta Twiter-ka.

“Kadib wakhti dheer oo ay naga dhex jirtay isfaham darro, isla markaana aan marar badan isku daynay inaan kala tagno, waxaan hadda go’aansannay inaan is furno, nolosheennana aan sii wadanno annagoo saaxiibo ah”, ayay lamaanahani ku yiraahdeen bayaankooda.

Xaaskiisa MacKenzie Bezos oo jirta 48 sano ayaa ah qoraa, waxayna soo saartay labo buug oo soo kala baxay sannadihii 2005-tii iyo 2013-kii.

“Waxaan dareemeynaa inaan aad u nasiib badan nahay maadaama aan is helnay, waxaana ku faraxsanaa inaanu lamaane ahayn sanad kasta oo ka mid ah muddadaas ka soo wareegtay xilligii aan isguursannay”, ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay lamaanahan maalqabeennada ah.

“Haddii aan ogaan lahayn inaan kala tagi doonno 25 sano kadib, guurkeenna oo dhan waan soo bilaabi lahayn mar kale, waxaan isla soo wadaagnay nolol aad u qurux badan waxaana hadda aragnaa inuu naga horreeyo mustaqbal wanaagsan, waalid ahaan, saaxiib ahaan iyo iskaashato ahaanba” ayuu bayaankiisa ku yiri maalqabeenka.

Sannadkii la soo dhaafay waxay lamaanahan si wadajir ah u fulinayeen mashruuc loogu tala galay in lagu caawiyo dadka hoy la’aanta ah iyo in lagu dhiso iskuullo ay dhigtaan carruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ah.

Mr. Bezos oo u dhashay dalka Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa leh 4 carruur ah oo isugu jira saddex wiil oo ay dhaleen iyo hal gabar oo ay soo korsadeen.

Maalqabeenkan ayaa ah ninka isla leh shirkadda Amazon oo la aasasay 25 sano kahor, waxayna  Usbuucan dhaqaale ahaan ka hormartay shirkadda Microsoft, waxayna noqotay shirkadda xilligan ugu dhaqaalaha badan guud ahaan dunida.

Mr Bezos, oo 54 sano jir ah ayaa loo aqoonsan yahay inuu noqday qofka ugu maalqabeensan caalamka, sida laga soo xigtay shirkad qiimeysa hantida shakhsiyaadka bilyaneerrada ah ee dunida, oo lagu magacaabo Bloomberg Billionaire Index.

Waxay hantidiisa gaareysaa lacag lagu qiyaasay $137 bilyan oo doolar, isagoo ilaa $45 bilyan oo doolar ka sarreeya hantida uu heysto maal qabeenka caanka ah ee la yiraahdo Bill Gates.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

965 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>