NIN SOO HELAY ILMO LA DOONAYAY IN LA DILO

Ilmo yar oo maalmo dhalanaa ayuu nin oday ahi ka soo helay goob qashinka lagu shubo, wuuna geeyay Saldhig Boolis si uu ugu wareejiyo ciidamada.

Ninkaa ayaa ilmahaa ka soo helay degmada Shakhrabit  Gobolka Dakahlia ee dalka Masar, waxa uuna gacanta ka geliyay ciidamada Booliska.

Muddo kadib ayaa waxaa Booliska timid hooyadii dhashay ilmahaasi yar oo doonaysay inay ciidamada soo wargeliso in ilmaheeda laga xaday.

Baaritaan la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in ilmaha yar ee ay hooyadaasi raadinayso uu yahay Ilmaha uu ninku ka soo helay goobta lagu tuuray ee Booliska loo soo gacan geliyo.

Waxa ay hooyadaasi Booliska u sheegtay in ilmahaasi uu ka soo xaday ninkeeda oo ay xustay in uu doonayo in uu dilo.

Baaritaanka la sameeyay ayaa sidoo kale lagu ogaaday in ninka soo helay ilmaha yar iyo hooyada dhashay ilmahaas ay yihiin dad qaraabo ah oo aad isugu dhow, balse uusa odaygu sidaasi u ogeyn baaritaanka kahor.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>