NIN SI KHALDAN U WACAY TELEFOONO BADAN OO GANAAX LALA YAABAY LA DUL DHIGAY

Nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu helay in 90 milyan oo taleefoono uu si aan haboonayn dad ugu diray isaga oo isticmaalaya aalada loo yaqaan Robots ayaa la dul dhigay ganaax lacageed oo aad u fara badan.

Waxaa la sheegay in ninkan lagu ganaaxay in uu bixiyo  $120 milyan oo doolar, kadib markii  Wakaaladda Isgaarsiinta Maraykanka ee FCC ay shaacisay in ficilka ninkan uu sameeyay uu yahay mid xadgudub ku ah xeerarka isgaarsiinta dalkaasi Mareykanka.

Ninkan  dadka uu wacay waxaa la sheegay in uu u  sameenayay Suuq geyn sida in laga iibiyo guryo, waxaana dad badan layaab ku noqotay ficilka ninkan uu sameeyay kuna wacay telfoonadaas badan.

Andian Abromovich oo ah ninka lagu helay dambigan ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 120 Milyan oo Dollar, waxa ayna noqoneysaa ganaaxii ugu badnaa ee lagu soo rogo qof dambigan oo kale galay.

Afhayeen u hadlay wakaaladda Isgaarsiinta Mareykanka ayaa sheegay in lacagtan badan ee lagu ganaaxay ninkan uga gon leeyihiin si looga hortago in dad kale ku dhaqaaqaan falkan oo kale.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

357 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>