NIN RAKAAB AH OO ARRIN LALA YAABAY DIYAARAD KU DHEX SAMEEYAY…..

Diyaarad rakaab ah ayaa markii ay daqiiqado kooban hawada ku jirtay si degdeg ah u caga dhigatay gegid diyaaradeed kadib markii nin ka mid ah dadka rakaabka uu ku dhex sameeyay gudaha diyaarad fal aad loola yaabay.

Diyaaraddaas oo ka soo kicitintay magaalo madaxda dalka Faransiiska ee Paris una socotay dalka Tunisia ayaa degdeg u caga dhigatay Garoon diyaaradeed ku yaala magaalada Nice ee isla dalkaasi Franca.

Sababta keentay in diyaaradaasi ay safarkeeda sii wadan weyso ayaa ahayd kadib markii mid ka mid ah rakaabkii diyaarada saarnaa uu ku kacay falal aad loola yaabay oo sababay inay is gacan saaraan isaga iyo qaar ka mid ah rakaabka diyaaraddaasi.

Ninka Rakaabka ah ee ku dhex dagaalamay diyaaradda oo da’diisa lagu sheegay 30 sanno jir ayaa u dhashay dalka Tunisia, wuxuuna si ulakac ah Salaad ugu tukaday qolka duuliyaha hortiisa, markii uu salaadda ka baxay wuxuu bilaabay inuu la dagaalamo qaar ka mid ah ciidamada ammaanka isagoo ku dhawaaqayay Allaahu Akbar.

Arrintaasi ayaa waxay sababtay in ninka laga shakiyo, waxa uuna duuliyaha go’aansaday inuu diyaaradda sii wadin,  waxaana ninkaasi isla markiiba gacanta ku dhigay ciidamada amaanka, waxaana lagu sameeyay baaritaan.

Ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in ninkaas looga shakiyay inuu qabo xanuuno xagga dhimirka ah, waxaana la dhigay dhakhtar dhimirka halkaasoo lagu dabiibayo.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>