NIN ISAGOO LABO XAAS LEH GUURSADAY GABAR 11-SANO JIR AH OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAY

Nin Labo xaasle ah ayaa la soo taagay Maxkamada Shareecadda Islaamka, kadib markii lagu soo oogay inuu gabar 11-jir ah guursaday.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Shi C/kariim Shi C/xaamid oo u dhashay dalka Malaysia ayaa waxa uu qirtay inuu guursaday gabadhaasi yar oo u dhalatay dalka Thailand.

Maxkamaddu waxay Kiiskaasi u cuskatay qoddobadda 19 iyo 124 ee Sharciga Qoyska Islaamka Malaysia.

Garsoore Maxamed Sorbiyaani Xuseen waxa uu  Ninkii la soo eedeeyey lagu xukumay xabsi 6 bilood iyo ganaax lacageed oo dhan 1,500 00 Giniga Malaysia, una dhiganta 450 Dollarka Maraykanka.

Wargeyska Harian Metro oo ka soo baxa dalka Malaysia oo aan dhacdadan ka soo xiganay waxa uu qoray in Ninka guursaday gabadha yar uu ahaa 2 Xaasle aabe u ah 6 carruur ah.

Dhinaca kale,  Ninkaasi ayaa la sheegay inuu Gabadhaasi bishii hore ee June ku guursaday Masjid ku yaalla Koonfurta dalka Thailand oo ay ku nool yihiin Mujtamac Muslimiin looga tiro badan yahay dalkaasi.

Kiiskan waxaa la furay, kadib, markii ay Xaaska labaad ee Ninkaasi dacwad isaga ka dhan ah u gudbisay Maxkamadda. Balse, ninkeeda waxa uu  sheegay inuu Guurkaasi sax yahay, maadaama ay gabadha Waalidkeeda isugu barakeeyeen.

Wareysi uu siiyey Telefishin waxa uu ku sheegay inuu codsan doono Shahaadada Guurka caadiga, marka ay Xaaskiisa da’da yar gaarto 16-jir.

Baarayaasha Boliska Malaysia waxay sheegeen inay gabadha hooyadeeda codsatay inuusan guurka dhamaystir noqon karin ilaa ay gabadha ka gaarayso 16-jir.

Waxayna ku heshiiyeen inay guriga waalidkeeda sii joogto ilaa ay da’deda ka buuxsamayso 16-jir.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

357 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>