NIN GURIGA AY KULA NOOL YIHIIN XAYAWAANNO DILAA AH

Xayawaanno u badan xamaarato oo qaarkood halis ah ayaa waxa ay  guri kula nool yihiin nin u dhashay waddanka Faransiiska oo lagu magacaabo Philippe Gillet.

Guriga uu ninkan degan yahay oo ku yaala meel ku dhow magaalada Nantes ee uu maro webiga Loire River ayaa waxaa la soo sheegayaa inay la nool yihiin xayawaano u badan xamaarato oo gaaraya ilaa 400 xayawaan.

Gillet oo 67 jir ah ayaa bahallada gurigiisa la deggan waxaa ka mid ah Yaxaasyo, Abeesooyin, Maska Copra, Dibqallooc, Diin, Caarooyinka dilaaga ah iwm.

Ninkan odayga ah wax dhibaato ah kuma qabo bahalladan, waxaana uu siiyaa xanaanno joogto ah iyagoo xilliyada cuntadana si wadajir ah au u wada cunteeyaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ku qabin bahalladan ay deriska yihiin, waxaana qaarkood ay booqasho ugu yimaadaan ninkan iyagoo Kafeena la caba, lana sheekaysta ninkaas.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>