NIN GABAR UU GUURSAN LAHAA KU WAAYAY MUUSIK UU GARAACAY

Gabar u dhalatay dalka Sucuudiga ayaa waalidkeed waxay u diideen guurka nin ay xiriir lahaayeen oo ay ku eedeeyeen in uu Muusik garaacay.

Waalidka gabadhaas dhalay ayaa Maxkamad ku taala dalka Sacuudiga waxay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah guurkaas, waxaaana lagu soo warramayaa inay maxkamaddaasi xukuntay in gabadhaasi aanay guursan karin ninkaas ay ragga ka soo xulatay sababo lagu sheegay inuu miyuusik garaacay.

Garsoorka ayaa ninkaasi waxa ay u arkeen in diin ahaan uusan gabadhaasi u qalmin.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxa lagu taageeray aragtida qaraabada haweeneyda kuwaas oo ka soo horjeestay guurka ninkaas miyuusiga garaaca.

Dad badan oo reer Sacuudi ah ayaa waxa ay jecel yihin muusiga, balse waxaa jira qaar kale oo ay ku weyn tahay boqortooyada qadiimiga ah ama diinta islaamka, taas oo muusiga mamnuucday.

Dadkaasi waxa ay u arkaan in dadka heesa ama miyuusiga garaaca inay yihiin dad dhaqanka diinta Islaamka ka soo horjeeda, waxa ayna yasmo u muujiyaan dadka heesa amaba garaaca muusiga.

Kiiskaan maxkamadda ayaa ku saleysan in qoyska gabar aan magaceeda la sheegin ay ka so horjeesteen qorshaheeda ah in ay guursato nin garaaca qalabka muusiga.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in gabadha qaraabadeeda ay ku doodayaan in qofka heesaaga ah uusan diinta Islaamka ku dhaqmin.

Maxkamad hoose ayaa taagertay fikradaasi, taas oo xukunka ay  riddayna laga qaatay racfaan.

Gabadha loo diiday ninkaas ayaa sheegtay in ninka uu wanaagsan yahay uuna iyada u qalmo, waxa ayna weli ku hanweyn tahay in ay isaga guursato oo ay jeceshahay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>