NIN CADDAAN AH OO BASTOOLAD ULA SOO BAXAY DHALINYARO SOOMAALI AH

Nin caddaan ah oo u dhashay dalka Mareyukanka ayaa Bastoolad ula soo baxay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku jirtay maqaayadda McDonald’s ee ku taala Minnisota.

Sida la soo tabiyay, muran ayaa dhex maray ninkaas iyo gabdho Soomaaliyeed oo ku jiray meheradda gudaheeda, kadib markii gabdhuhu ay ka caroodeen hadallo qalafsan oo uu ninka ku yiri, waxayna xaaladdu sii xumaatay kadib markii Wiilal Soomaali ah oo goobta ku sugnaa ay gabdhaha u soo hiiliyeen.

Ninka caddaanka ah ee falkan sameeyay oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la soo baxay Bastoolad, wuxuuna ka dalbaday dhallinyarada inay dibadda ugu soo baxaan.

Muuqaal laga duubay qeybo ka mid ah dhacdadaas ayaa si weyn ugu faafay baraha xiriirka bulshada, waxaana muuqaalka laga arkayay shaqaale ka tirsan maqaayadda McDonald’s iyo haweeneyda maamulaha ka ah oo ku qeylinaya dhallinyarada, kuna khasbaya inay ka baxaan gudaha meheradda, arrintaas ayaana muran xoog leh dhalisay.

Dadka qaar ayaa maamulka McDonald’s ku dhaliilay inay ka gaabiyeen sugidda amniga macaamiishooda, maadaama ay ka dalbanayeen inay bannaanka ugu baxaan qof hubeysan oo u hanjabayay.

Telefoon ayaa lagu duubay qof ka mid ah shaqaalaha makhaayadda oo ku qaylinaya dhallinyarada.

Galinkii dambe ee maalintii Arbacada ayay booliska soo xireen ninka lagu tuhunsan yahay inuu falkaas sameeyay, waxaana loo taxaabay xabsiga isagoo loo diiwaan galiyay dacwad uu nooceedu yahay weerar hubeysan.

Kiiskiisa ayaa loo gudbiyay xeer ilaalinta gobolka, si ay go’aan uga soo saaraan maxkamadeyntiisa.

Sidoo kale booliska ayaa wada baaritaan qota dheer oo ku saabsan arrintan, iyadoo Maamulka Maqaaxida McDonald’s ay wajahayaan cambaareyn xoog leh oo uga imaaneysa dhinaca shacabka, taasoo ku aaddan habka ay dhacdadaas u maareeyeen.

Dhallinyarada Soomaaliya ka soo jeedda ee Mareykanka ku sugan ayaa muddooyinkii dambe laga soo tabinayay dhacdooyin dhowr ah oo ku saabsan cunsurinimo iyaga ka dhan ah.

Jeylaani Xuseen oo ah madaxa hay’ad u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa sheegay in falkan uu ka bilowday hadallo aflagaaddo ah oo ka soo yeeray ninka caddaanka ah.

“Gabdhaha waxaa u shaqeyn waayay taleefan ay rabeen iney ku bixiyaan lacag ay wax ku iibsanayeen, kadibna wuxuu ninka ku yiri hadallo uu ku sheegayay inay ku nool yihiin lacagaha ceyrta ah, markii ay caroodeenna wuxuu billaabay inuu handado” ayuu yiri Jaylaani oo dhanka kale sheegay iney qaadeen tallaabooyin daba socda falkaasi.

“Annagu ka hay’ad ahaan waxaan hadda wali macluumaadka ka uruurineynaa dhallinyarada ay arrintan ku dhacday ee wiilasha iyo gabdhaha ah, waxaana dooneynaa inaan dhawaan bayaan ka soo saarno, oo aan fiirinno sidii dhibaatadan soo noqnoqotay xal loogu heli lahaa”.

Qof walba oo haya macluumaad ku saabsan dhacdadan ayaa laga codsaday inuu la xiriiro booliska deegaanka Eden Prairie, oo uu kala hadli karo taleefanka lambarkiisu yahay 952-949-6200, si uu ula hadlo kooxda baaritaanka wadda.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>