NAXARIISTA ILAAH LAGAMA QUUSTO (KU DAYO ADIGA IYO ANIGABA MUHIM AYAY INOO TAHAYE)

Waxey ahayd Gabar Lugaha Naafo ka ah, socodna aan Awoodin, Wiil deriskeeda ah ayaa gabadhii dabeecad iyo dhaqan wanaag ku jeclaaday, wuu la xiriiray oo u sheegay inuu doonayo, wuxuuna ugu dambeyn ka codsaday  Guur.

Gabadhii way ku faraxday qorshahaas oo Hooyadeed ayay u sheegtay, balse hooyadii aad bay u ilmaysay waayo horaa hooyada loogu sheegay in gabadheeda Madhaleys ahaan doonto weligeed. markaas ayay ku tiri “Hooyo sow ma ogid in dhakhaatiirtu sheegeen inaadan weligaa dhalaynin oo aad madhalays tahay, maxaad wiilka u lug goynaysaa, waa khasab inaad wiilkaan guur doonka ah aad u sheegto inaadan dhalaynin ilmo”.
Gabadhii ayaa tiri:- Hooyo habeen walba markaan Tukado ayaan ilaahay ka baryaa inaan Hooyo noqdo. Hooyadii ayaa ugu jawaabtey:- Hooyo maxaad saadaal iyo mala awaal isugu maaweelinaysaa, Dhakhaatiirtii oo dhan waxay isku raaceen inaad Madhalays ahaan doonto weligaa, runta u sheeg Wiilka waxbana haka qarin.
Gabadhii wey yeeshay Talada Hooyadeed, waxayna wiilkii u sheegtay in Madhalaysnimo u dheer tahay naafanimada. balse wiilkii wuxuu ku adkaystay inuu guursado xataa hadday Madhalays naafa ah tahay, sidaas ayuuna ninkeedii ku noqday.
Gabadhii Habeen walba markey tukato waxay ku ducaysan jirtay “Eebow waxaad iga qaaday nimcadii Socodka ee nimcada hooyanimada ha ii diidin”.. ducadaan ayey 12 sano ku duceysaneysay, kamana aysan daalin marna in mar uun naxariistii iyo raxmadda Eebe ay ku heli doonto Ubad, iyadoo og inay madhalays tahay sida dhakhtarada u caddeeyeen.

Muddo kadib gabadhii Ilaahay wuu u aqbalay Ducadeedii oo gabar iyo wiil mataano ah ayuu Eebe sareeye wax wabana awoode ku arzaaqay. sidaas ayeyna farxad iyo hooyanimo ku heshay.

Dhanka kale akhriste bal qisadan dhacday xilligii Nabi Muuse (CS) nala dheeho, kuna cibro qaado oo ku dhaqan.

Nabi Muuse CS, ayaa waxaa u timid Haweenay, waxayna ku ku tiri:- waxaan ahay Qof aan ilmo dhalaynin oo ma dhalays ah ee iigu ducee inuu Ilaahey igu arsaaqo Owlaad.
Nabi Muuse CS wuu u Duceeyay oo Rabbi ayuu ugu baryay inuu ku arsaaqo Owlaad.
Allaah SW, waxa uu si toos ah ula hadlay Nabi Muuse CS oo ku yiri:- Muusoow haweenaydani  waxaan u qoray Ma dhaleysnimo oo waxay ku jirtaa Liiska haweenka aan dhalaynin.
Nabi Muuse wuxuu ku yiri Haweenaydii:- Ilaahey wuxuu kuu qoray inaadan wax dhalin, kolkaasay ku tiri “Maya, kuma qanacsani hadalkaas oo Ilaahay sidaas ugama quusanayo.
Mudo kadib ayay haddana ku soo laabatay Nabi Muuse CS, oo tiri:- Nabi Allow ii weydii Rabbi inuu i siiyo Owlaad.
Nabi Muuse wuxuu mar Labaad Allaah SW, ka codsaday inuu Haweeydaan uu siiyo Owlaad misana Allaah baa yiri:- Muusoow waxaan u qoray ineyan wax dhalin.
Muuse CS, wuxuu ku laabtay haweeneydii mar kale ayuuna u sheegay, inuu Ilaah u qoray in aysan wax dhalin. Haddaba, Haweeneydii wey iska baxday, iyadoo aan Alle ka quusan, waxay badisay baryadiisa oo salaad kasta oo ay tukanayso Alle ka bariday inuu ubad siiyo, kama daalin baryadiis iyadoo si niyad ah Ilaahay uga baryi jirtay Ubad.

Haweenaydaas iyadoo og in Ilaahay uu ku qoray Liiska ma dhalaysnimada aysan haddana Ilaahay ka quusan oo baryadiisa ay joogteysay.

Ilaahay naxariis badane gabadhii waxa uu ka saaray liiskii madhalaysnimada oo Ilaahay ubad ayuu siiyay, iyana Alle uga shukrisay nimcadaas uu siiyay iyo in baryadeedii joogtada ahayd Alle ka aqbalay.
Muddo kadib Nabi Muuse CS ayaa wuxuu la kulmay  iyadoo wadata Cunug, dhabarkana u saaran yahay, markaasuu la yaabay oo ku yiri:- “Yaa Amata ilmaha aad sido waa maxay?”, waxay tiri waa wiilkeyga Ilaah ayaa igu irzaaqay.
Isagoo layaab ay taas ku noqotay ayuu Nabi Muuse CS Ilaahay la xiriiray  oo ku yiri:- “Yaa Rabbi waxaan kuu weydiiyay Haweeyneydaas inaad ku risaaqdid Owlaad, waxaadna ii sheegtay inaad u qortay madhalaysnimo oo aysan wax dhaleynin, haddana Owlaad ayaad siisaye sidee wax u jiraan?”
Allaah ayaa ugu Jawaabay Nabi Muusa CS, oo yiri:- “Muusoow mar waliba gabadhaasi gacmaha ayay ii hoorsan jirtay, habeen iyo dharaar i baryi jirtay oo i  dhihi jirtay “Yaa Raxmaan, Yaa Raxiim Ubad i sii, baryadaas ayaana ku siiyay oo Raxmadeydii ayaa ka hormartay Qaddarkii, sidaas darteed ayaan ku siiyey Owlaadda.

Qisadani waa mid ku cibro qaadasho mudan, Ilaahay haddaad si daacadnimo ah, rajeyn ku jirto aad baryadiisa u joogteysan si kastoo waxa aad ka barinayso laguugu qorin haddana ogow Ilaahay raxmadiisa ayaa ka weyn qadarta uu kuu qoray ee marna yaan laga quusan naxariista Eebe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>