MID KA MID AH ABWAANADA UGU CAANSAN SOOMAALIYA OO LA LA’YAHAY.

Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Sangub ayaa la la’yahay, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan maqnaashiyaha abwaanka oo sida wararku sheegayaan laga dajiyey magaalada Jig-jiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Abwaanka oo in mudda ahi xanuunsanayay ayaa loo sheegay in la geynayo magaalada Maka ee dalka Sacuudiga si uu halkaasi ugu soo cimreyso, hase yeeshee laga dajiyey magaalada Jig-jiga sida aan xogaha ku helnay ay sheegayaan.

Fanaanada Nagruuma oo ka mid ah Hobolada Waabari ayaa sheegtay inay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka codsatay in fanaanka ka caawiyo sidii uu u soo cimreysan lahaa, isla markaana madaxweynuhu ka ogolaaday.

Waxay sheegtay in tiro dhowr jeer ah Abwaan Sangub la wadaagay haddii xajka la geyn lahaa in maskaxda u soo laaban lahayd, kuna caafimaadi lahaa.

“Haddii xajka aan tagi lahaa maskaxda ayaa ii soo noqon lahayd” ayuu yiri Abwaan Sanug oo la hadlay Fanaanada caanka ah ee Nagruumka.

Fanaanada ayaa intaas raacisay inay qorsheynaysay inay iyadu xajka aado kadib caawimaad ay ka heshay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, hase yeeshee badalkeeda ay codsatay in lagu badalo Abwaan Maxamuud C/laahi Sangub.

Si kastaba Abwaan Sangub ayaa marar badan laga marti qaaday ismaamulka Soomaalida Itoobiya, hase yeeshee isagoo aan raali ka ahayn laga dajiyey magaalada Jig-jiga in kastoo aysan jirin warar rasmi ah oo xaqiijinaya jiritaanka afduubka Abwaanka, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka eheladiisa.

La soco wixii ku soo kordha.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>