MICNAHA IYO QIIMAHA BISHA RAMADAAN (QEYBTA 8:AAD).

Labadooduna inta badan way is dhibaan oo waxa mid urooni kan kaluu dhibaa, markay naftu raaxaysato, xaga Rabbi u shaqaysato Jirka ayaa daala, xanuunsada, baahda, daciifa.

Markuu jirku dhargo raaxaysto, badsadana hurdada, nasashada, cuntada iyo cabitaankana naftaa dacdaroota, baahata, jirrata. Sidaa darteed Soonku waa wakhtigii uu Rabbi ugu talagalay inay naftu kobocdo raysato horumar samayso.

Hadaba waxaa laga rabaa qofka Muslimka ah inuu aad Ugu farxo ugu Riyaaqo imaatinka bisha barakayan, maxaayeelay waxay usidaa Raxmad, Danbi dhaaf, naar ka-xorow, caafimaad, inay barato Sabarka iyo dulqaadka, inay xasuusiso dareenka Sadaqo bixinta iyo dhika-qaadida dadka masaakiinta ah.

Soonkuna maadaama uu sidaa u qiimo badan-yahayna, waxaa looga baahan yahay qofka Muslimka ah inuu barto waxa soonka wanaajiya iyo waxa jabiya ama Ajarkiisa buriya. Ø Hadaba Soonka waxaa jabiya, Cunto iyo cabitaan, galmo ama qofkii oo Niyadii badala, inuu soonkii jabiyo niyaysta, xattaa haduuna waxba cunin. Ø Balse qofka soomani haduu cuno ama cabbo isagoo ilowsan, soonkiisii majabayo, xattaa qalle lagama rabo. Ø Halka uu qofka cunta Cunaa intayna qoraxdii dhicin, isagoo moodaya inay dhacday, ay qassab ku tahay inuu maalintaa soo qalleeyo…La soco qeybo kale.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>